XISBIGA WADDANI OO KA JAWAABAY EEDAYNTII WASIRKA ARIMAHA DEBEDA

Faysal

Waxaan halkan ka salaamayaa warbaahinta xorta ah iyo dhamaan akhristiyasha sharafta leh, waxaanaan ku salaamayaa salanta Islaamka ah ee ASALAMU CALAYKUM.

Waxaanu halkan ka dareen celinaynaa jawaabtii wasiirka Arimaha gudaha ee ku waajahnayad Diwaangelinat madaniga ah iyo diiwangelinta cod bixiyayaasha ee la isu barkiyay, jawaabtaa wasirka oo u muqatay mid ka fog dhaliishii ama qodobkii ay mucaaridku ka hadleen waxaan aan leeyahay mudane wasir horta marka geela loo heeso maxaydun gorayada ugu heestaan.
 
Xisbiga mucaaridka ah ee waddani waxuu had iyo goorba u taaganyahay ilaalinta iyo xushmaynta qaranimada Somaliland inuu kow ka noqdana mooyane marnaba qorshaha uguma jirto inoo kalinta labaad noqdo ee mudane wasir hadalku wuu kaa baydhayee shacabka Somalilnad way og soonyihiin cida maanta Somalilandnima lugta jiidaysa.
 
Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani kama soo hor jeedo mana diidan in shacb waynaha la diwaan geliyo loona sameeyo kaadhka dhalashada waxaanu mar kastaba ku boorinaynaa in la is diwaan geliyo oo la qaato kaadhka dhalashada.
 
Waxaanu cod dheer iyo mid gaabanba ku leenahay hal lagu dhaqmo heeshiskii aynu ku saxeexna 
1. Xisbiga mucaaridka ah ee waddani
2.Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID
3. Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye
4. Wasaarada Armiha Gudaha
5. Komishanka doorashooyinka qaranka
Heshiskaa oo ah inaan labada Diwaangelin [ Diwaangelinta madaniga iyo Diwaangelinta cod bixiyaashu] ay noqdaan laba aan isku xidhnayn oo si talantaali ah isu barbar socdaan oo aan shurud lagu xidhin muwaadinka inuu haddii aanu kaa haysan ka kale aanu qaadan karin, diwaan gelinta madaniga ah ( taysarada)  ay noqoto wax furan oo muwaadinku marka uu isagu u baahdo uu qaato.
Heshiskaas oo aad mudane Wasir saxeexda ayaad maanta mid kale la timi oo ah inaad labadii oo is barkan oo aad leedahay muwaadinka aan haysanin Taysarada ma codayn karo muwaadin Somaliland na maba aha, taasina wax la qaadan karo iyo wax lagaa aqbalayo toona ma ah.
Shaxda goobah diwaangelinta madaniga ah ee wasaarada Arimaha gudaha
1. Berbera                22 goobod
2. Hargaysa              21 goobod
3. Burco                    20 goobod
4. Laascaanood      17 goobod
5. Ceergaabo           13 goobod
6. Borame                 12 goobod
 
Mudane waxaa la iswaydiinayaa suaalahan oo kugu waajahan adiga iyo xukumadaad ee waxba ha isku qaadin meelo  kale ee sida Somalia  iyo ictiraaf iyo arimahan kale ee aad ka halayso, Somaliland baa la ina yidhaahda Somaliana waxba inagama dhexeeyaan ee ka waantooba marka la is qabqabto  inaydun shacbka ku cabsi gelisaan Somalia sidaas damacsan iyadaa teedi la liidata oo dala dhacaysa.
1)  Waxaa is waydiin mudan diwaan gelin cod bixiyaasha baa horay u dhacday oo aan Taysaro wadan oo madaxwaynuhu ku soo baxay ee ma sharci daro ayanu odhan karaa buu ku jooga madaxwaynuhu mudane wasiir.
 
2) Shaxdan wasaarada Arimaha gudah ee magaalada Berberi ugu goobo badantahay Borame na ugu goobo yartahay bayn aqbali karnaa oo doorsho lagu geli karaa.
 
3) Degmooyin dalka ka tirsan baan shaxdan ku jirin sida Degmada Ceel afwayn iyana miyaa laga saaray Somaliland.
 
4) Taysarada waxaa weligeed bixin jiray Dawladah hoose ee maanta maxaa looga qaaday haddii aan xeelad kale ku jirn
 
5) Taysaradu wax khasab ah ma ah ee kaadh uu qofku qaato marka uu u baahdo saddexda bilood ee uu wasirku sheegay inay soconays diwaangelinta taysaradu kabacdi xaggee loo doonanayaa mise qofkii wakhtigaa ku qaadan waaya Somalilander ma ah waa sida uu wasirku u dhigay
 
6) wasirku wuxuu sheegay inay ku dhamaynayaan saddex bilood waxaa is waydin muda Xukumada Xafiiskii Xisbigeed [Kulmiye}  ugu waynaa ee Burco kiro laan looga xidhay oo mar labaadkii ah baa mudadaa ku dhaystiraysa.
 
7) Tirba sadex goor bay ka wada hadleen 3 da Xisbi qaran, xukumada iyo komishanka qaranku oo laga heshiiyay laguna  kala saxeexday oo aanu waraaqihii iyo cadayntiba haynaa ee waxaa is wadiin mudan sidee loogu kalsoonaan karaa xukumada heshiiskii ay shalay saxeexday maanta ka baxday.
 
Gebogebedii
 
Ujeedada laga leeyahay waa laba arimood oo kala ah:
1. Dhaqaale raadin shakhsi ah taas la yidhi Taysarada waxaa lagu qaadanayaa  2 Dollar 
2. khalkhal abuuris si doorashooyinku dib u dhacaan oo murankeenu noqdo taysarada oo la ilaawo taa doorashooyinka dabadeena wakhtigii ina soo guda galo oo muddo kordhini timaado
 
Haddii aanu nahay Xisbiga mucaaridka ah ee waddani waxaanu aaminsanahay inay Xukumadu ku soo noqoto heshiskii la wada gaadhay, mana aqbli doono labda diwaangelineed ee is barkan kana hor imanay xaqii uu muwaadinku ulahaa inuu codeeyo  iyo shaxdan goobaha diwaangelinta madaniga ah ee dhanka ka raran ee Berbera dalka ugu goobo badantahay 
Borame na ugu goobo yartahay degmooyin ay Ceelafwayn ka mid tahayna aanay haba yaraate ku Jamhuuriyad ku jirin.
 
ALLA MAHAD LEH
 
Faisal Farfidiye 
 
Golaha fulinta ee
Xisbiga waddani