Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani USA Maxamed-Nasir Dhoore oo Xilkii Iska Casilay

unnamed

Warsaxaafadeed kooban oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA ayuu ku sheegay in uu xilkaasi iska casilay. Warsaxaafadeed kooban oo uu soo saaray goor dhawayd ayaa u dhignaa sidan.

” Anigoo ah Maxamed-Nasir M Dhoore ahna Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani USA waxaan halkan saxaafada u sheegayaa in aan iska casilay Xilkii aan ka hayay Xisbiga Waddani ee Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA iyo Xubinimadiiba. Sababta ugu weyn ee aan isaga casilayna ay tahay, dano aniga ii gaar ah, iyo xisbiga oo aanan la qabin waxyaabo badan oo uu aaminsan yahay ama uu ku dhaqaaqay. Sidaa darteed, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo xilkii aan ka hayay xisbiga iyo xubinimadiiba”.
Alla Mahad Leh
Maxamed-Nasir M Dhoore
Minneapolis, MN.