Xogta qabyaaladda iyo musuqa ku huursan Wasaaradda Waxbarashada.

Samsam-Cabdi-Aadan

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare marwo Zamzam Cabdi Aadan sida horeba looga baahiyey wararkeeda Website-yada iyo jaraa’idka kala duwan waxa ay u shaqaysaa si dadban oo ay u kobciso reerka ay ka soo jeedo oo aan qarsoodi lahayn si gaar ahna waa ay u illaalisaa danahooda hadda iyo kuwii beryihii hore soo kala kacay sida dhismaha waddada cad, jaamacadda Ceel-sheekh iyo waxyaabo la mid ah oo shaqaalaynta wasaaraddu ka mid tahay .

Waxa jirta in Tacliinta Sare ay sida waxbarashada hooseba ay faraha uga baxday oo siday doonaan iyo cidday doonaan Jaamacadaha qaarkood ardayda u qaataan, loo aabbo yeelin oo ay dukaansi noqdeen iyo ganacsi aan hadda tayo lahayn, waxa jirta dabagal la’aanta Jaamacadaha in Ardayda Dugsiyada sare ay gelinka dambe Jaamacadaha dhigtaan oo xaafad walba laga ogyahay iyo suuqyadaba, sidoo kale ay jaariyado ka buuxaa intooda badan.  Haddii aad ogtahay iyo haddii aan la ogeyn arrimahaas iyo kuwo ka sii xun ayaa jaamacadaha ka jira oo ay mas’uuliyaddooda ay leedahay wasiirka Waxbarashadu, Samsam Cabdi Aadan oo jaamacadaha qaarkoodna u ogolaatay in ay rafidaan oo diidaan deeqihii waxbarasho ee sannadkii hore ee ay iyadu qoraalka ugu gudbisey liistooyinka, maxaa yeelay diidmada ay diideen deeqaha Waxbarasho wax jawaab ah kamay celin wasiiraddu, waayo waa ay ka badheedhay oo sidaa bay kula ogolayd iyo diidmadaa .

Waxa kaloo jirta in sannadkanna ay wareegto ku tibaaxday in aan wasaaradda Waxbarashadu, haba yaraatee, aanay wax deeq waxbarasho ah bixinayn, taasoo ujeedadeedu tahay inay hoos ahaan u bixiso deeqdii waxbarashada ee jaamacadaha Hargeysa oo ay reerkoodu badi dhowr iyo toban jaamacadood ka taliyaan amaba haystaan oo ay dhinacaa hoos-ahaaneed ay u beddeshay deeqihii Waxbarasho ee la siin jirey danyarta guud ee isugu jirey Sooyaal iyo agoomo . Waxa kale oo jirta ku-xummayn Wasiiru-Dawlaha oo ciidamada forontada u jeediyey in ubadkooda Dugsiyada sare ka baxa, wasaaraddu siin doonto deeqo waxbarasho, taasoo iyada oo ka dibaaqaysa guddigii uu ku jirey ee ka soo horjeedey Muuse Biixi ee uu ka mid ahaa , sidoo kale iyana ay hormuudka ka ahayd kooxdii M.Biixi ee Madaxweynaha ka soo horjeedey .    Waxa ay ku baaqday in la joojiyey deeqdii waxbarasho oo jaamacadaha la weydiisto deeqo waxbarasho , taasoo ay ogtahay in dhammaan jaamacadaha Hargeysa ay deeqda siinayaan hoos-ahaan ardayda ka soo jeeda ama ah reerkeeda. Jaamacadaha ay talada ku leeyihiin reerkoodu ama ay ka taliyaan waxa ka mid ah:

Jaamacadda Hargeysa, Gollis, Geeska, Alpha, Hope, new generation, Abaarso, Mt. Kenya, Addis-Aababa, Timacadde, Gollis Berbera, Gollis Burco, jaamacadda Badda ee Berbera iyo Camuud oo aan waxba ka diideyn oo ay gacanta ku hayso, sidaa darteed , waxa ay ka door-bidday scholarship-kii guud kan gaar ahaaneed iyo hoosaad ee u gaar ah reerka ay ka soo jeedo iyo jaamacadaha oo badi reerkooda ka soo jeeda, waana sababta ugu weyn ee ay u diidan tahay Scholarship-kii guud ee loo sinnaa , xarfadaha cusubna ay wadato oo ay rabto inay ku guuleysato siday ku talo-jirto ee qorshaha qabyaaladda ku dhisan ee ay haatan iyo horeba wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare uga waddo ee badheedhka ah iyo dhuumasho dhabarku muuqdo .

Waxa dhacday in Wasiir samsam ay jaamacadaha Camuud iyo Gollis ay ku darsatay komishanka Qaranka ee Tacliinta Sare oo laga yaaban yahay indho-caddaanteeda oo dabeed ay diideen liistadii deeqaha Waxbarasho ee lagu aadiyey sanadkii hore.  Jaamacadda Gollis mas’uulka haysta, Saeed iyo wasiiraddu waa ilma-Adeer , iyaga oo reer ahaan aad isugu dhow ka sekow, waxa la sheegayaa in ay wasiiraddu sheer  ku leedahay jaamacadda Gollis, sidaa darteed ayay ugala mid dhigtay jaamacadaha public ah ee wax walba la siinaayo, tixgelinina u dheer tahay .

Waxa jirta in sannadkii hore tobankii arday ee imtixaankii ugu sarreeyey oo Dalka Masar loo diri lahaa ay u diidey ka dib markii ay ka weydey tobankaa arday mid reerkooda ah ( S/Awal ) oo kolba sabab ku riixdo ilaa ay waalidkoodii ku yidhi Samsan, annagaa ka mas’uula nabad-gelyadoodee u dir ubadka scholarship-kaa Masar, taasoo dhinac walba ay ka diidey , kuna tidhi sannadka dambe ayaan scholarship-ka gudaha idinku qorayaa oo ay ka tidhi hadda scholarship-ba ma bixinayno, oo dadkii layaabatiin ku noqotay .  Labadaa jaamacadood waxa ay wasaaraddu siisaa lacag kab ah oo saddex biloodle ah, tababarrada macallimiinta Dugsiyada sare, kuwa diploma ah iyo tababarka hablaha Gender-ka ee hey’aduhu ka bixiyaa lacagta jaamacadaha. Iyada oo si gaar ah loo waqaqeeyo oo waxaa oo dhan la siiyo ayaa ay haddana wasaaradda ka diideen deeqihii waxbarasho ee danyarta ahayd ee tiraba aad u yarayd isku hallaynteeda darteed .( ogow Gollis waa jaamacad private ah ).

Labadaa jaamacadood awoodda waxa ay ka haystaan Wasiiradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan  oo kula socota diidmadaa iyo wax=ismoodmoodka ay jaamacadaha dheer yihiin iyo kibirka weheliya oo tuke-baalcad ka yeelay labadooda mas’uul iyo maamulba .

Bal  u fiirso tusahan qeexaya madaxda iyo shaqaalaha xarunta dhexe ee W.W.&.T/Sare eek u suntan intii ay joogtey wasiiraddu.

  S/Awal + MD GB Ar HY HT Ayuub DB WG Cise CDG Total
Directors   7 1   1   1   1   1 …….   1 ……   1    14
REO’s   3 1   …. ……   2   ….    1   … …… …..      7
Shaqaale 136 7   4   4   5    2    ….    1    1    6  
TA    3 1    2    1   ….. …….. …… ……. …… ……      7

TA … Technical Advisors( la taliyeyaal)., REO’s lixda Gobol iyo Gabiiley .

Hawlaha caddaalad xumada ka jirta wasaaradda ee wasiiraddu u madax tahay waxa ka mid ah shaqaalaynta wasaaradda oo ay u igmatey gabadh la reer ah oo pp ah oo ay u magacaabatay Agaasimaha maamulka iyo lacagta oo shaqaalaynta u qaabilsan reernimo ee sannad walba la qaato oo ku suntan 90% Subeer Awal ., sidoo kale waxa ay u qaabilsan tahay deeqaha gaarka ah ee wasaaraddu bixiso oo ma-dhaafto labadooda ah iyo kuwa gabdhaha ( gender-ka ) ee Hey’aduhu ka bixiyaan Jaamacadaha oo iyana gaar u ah oo aan cid kale la ogeyn.

Wasiiraddu qabyaalad iyo tolnimo ayay ku maamushaa wasaaradda waxbarashada dhinac walba iyo siyaabo kastaba, taasoo shaqaalaynta wasaaraddu reerkooda ay tahay tobankiiba siddeed oo guud ahaan noqonaysa 80%, sidoo kale waxa caddaynaysa bal u fiirso Agaasimeyaasha wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare iyo madaxba waxa ay reerkooda siisay intii ugu muhiinsanayd oo kala ah :

  1. Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare       …………………… S/Muuse ,

  2. Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta  ,,………………..     Ciise Muuse .

  3. Agaasimaha Manaahijta iyo tababarrada…………        Ciise Muuse .

  4. Agaasimaha Shaqaalaha  ……………………………….          S/Muuse

  5. Agaasimaha Qorshaynta iyo xidhiidhka Heyadaha…… S/Muuse

  6. Agaasimaha kormeerka Guud …………………………..    S/Muuse ,

  7. Agaasime k/xigeenka Imtixaanaadka  …………….        S/Muuse

____________________________________________________

  1. Madaxa Xidhiidhinta wasaaradda iyo Hey’adaha……S/Muuse

  2. Feeding unit (Madaxa)……………………………                 S/Muuse

  3. Training Unit (madaxa) …………………………..               S/Muuse

  4. Madbacadda wasaaradda (tobankiiba Siddeed)….  S/Awal .

  5. Xisaabiyaha guud  …………………………….                     S/Muuse

  6. Injineerada Wasaaradda(2) ……………….                   S/Muuse

  7. Khasnajiga Guud …………………………….                     S/Muuse

  8. Madaxa Istudyowga (studio)  ………….                    Ciise Muuse

  9. Istoodh-hayaha Guud  ………………………                  Ciise Muuse

  10. Xoghaymaha xafiisyada ………………….              Subeer Awal (80%).

  11. Illaaliyeyaasha iyo nadiifisooyinka  ……………Subeer Awal ( tobankiiba siddeed )

  12. Iyo shaqaalaynta sir iyo caadba oo Subeer Awal ah tobankiiba siddeed .

Waxa intaa weheliya iyada, Samsam,  oo muudoba ku hawl-jirtey in ay wiil ay Eddo u tahay ku beddesho xisaabiyaha Tacliinta sare oo Ciidagale ah oo meelaha u hadhsanaa ka mid ah, taasoo ay mar walba u-faa’iideysi reereed ay ku jirto oo aanay cidna waxba iskaga tirinaynin, isla markaana u qabto inaan cidi ogeyn oo ka war-qabin facaa’ilka ay waddo iyo waxyaabaha ay ku kacdo ama ay kula kacdo shaqaalaha eek ala sooca ah .

Agaasimeyaasha Somaliland inta kale waa :

WG … Agaasimaha Guud ee waxbarashada, AR  …. Agaasimaha Genderka,  HY  …. Agaasimaha Tacliinta sare, GB …. Agaasimaha Dugsiyada H/Dhexe., HT ….  Agaasimaha Dugsiyada Sare , Ayuub…. Agaasimaha Dugsiyada gaarka ah .

 

Bal u fiirso tusahan kale ee qeexaya shaqaalaha xafiiska Imtixaanaadka ee W.W & T/Sare.

S/Awal + MD HY GB HT Ar CDG DB WG Ciise Ayuub Md- Madigan
21 ——   2   1   1   1`   —– —— ——- ——–
  S/Awal  waa  — 21,       Somaliland intii kale waa   …….5

 

Haddaba bal dhab u eega caddaalad-darrada wasiiraddu, marwo Samsam Cabdi Aadan, ku kacday iyo sida ay reerkooda ugu burisay, halgankana ugu jirto inay meel walba ku qorto iyo meelaha ugu muhiimsan wasaaradda . Ma caddaalad baa laga sugayaa Samsam kolkaad qaababkaa wasaaradda eegto ee dhismaha maamulka ? Ciddiise leh arrimahaasi ma jiraan banka ha u soo baxdo oo ha beeniso . Somaliland inteedii kale xaggay ku tuurtay ? Aakhiro ma u shafeecayaan dadkaasi ?.Qabyaaladuse intee bay wax u tari doontaa ?.

Wasiiraddu maaha qof go’aan adag leh, kudna waa uu u weheliyaa qabyaalad la yidhaa, sidoo kale wasaaraddu waa tan wasaaradaha ugu weyn oo way ka awood badan tahay gabadhi inay mas’uul ka noqoto, ha loo fiirsado arrintan iyo waxyaabaha ka jira wasaaradda .

Haddaba Dawladda iyo Madaxweynaha waxaan odhan lahaaa miyaad ku daawanaysaan waxyaabaha ay ka dhex waddo Wasaaradda ee caddaalad-xumada iyo jeclaysiga qabiilka huwan ee wasiiraddu ka waddo wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ?.

Karaamadii , sharaftii iyo tayadii waxbarashadu lahaan jirtey halkay tagtay ? Ma saaxiibtinimada ay la leedahay Amina Weris ayaa lagu eegayaa oo laga door-bidayaa dumista heerkii waxbarashada ?

Xaqiiqada ha loo noqdo,waxa la ogsoon yahay in intii Samsam wasaaradda joogtey ay waxbarashadii hoos u dhacday, Tacliinta Sare ha ugu darraatee, waxaana ka mas’uul ah wasiiradda iyo inta la dareen ah ama ku raacsan. Waxa la arkayaa in Dugsiyadii dawladda ardaydii ka yaacayaan oo ku kala biiraan kuwa gaarka ah (private) oo tayadii meesha ka baxday iyo qiimihii waxbarashadu lahaan jirtey.

Yaan laga been sheegin taariikhda iyo dadka ku suntan qabyaaladda ? Yaan laga been sheegin dib u dhaca ku yimid waxbarashadii oo ay keentay macallimiinta ay wasiiraddu labada cisho ka tidhi ka shaqeeya Dugsiyada Dawladda oo keentay inay Dugsiyada gaarka ah u shaqo tagaan oo ah tan baabiisay Dugsiyadii Dawladda oo laga tegey .

Waxa jirta in kolkii loo soo magacaabay wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare in ay qoratay tiroba Toddoba (7) qof oo aan ilaa hadda waxba ku soo kordhin wasaaradda iyo horumarinta waxbarashada oo ay ku magacawday Technical Advisors (TA) oo midkiiba qaato bishii $3600 Doolar oo qurbo-joog la yidhaahdo oo aan ahayn Educationists, halka ay ka tayayn lahayd macallimiinta Dugsiyada, siiba kuwa sare. Bishii waxa ay isku qaataan $25,200 Doolar oo la mug ah mushaharka 193 macallin bishii ….Bal daya lacagtaa khasaartay iyo tayo-xumada haysata waxbarashadii Dugsiyada sare iyo kuwii kaleba, maxaa lacagtaa loogu tayayn waayey ama loogu qori waayey 193 macallin ama loogu  gunnayn waayey macallimiinta bilaa gunnada ah ? waa arrin lala yaabo oo ka mid ah fikradaha wasiiraddu ku dishey horumarintii waxbarashada iyo mooralkii shaqaalaha iyo madaxda wasaaraddaba .

Madaxweynuhu dhab ha u eego wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo caddaalad xumada ka jirta iyo dadka lagu dhoobay ee wasiiraddu mas’uulka ka tahay muddadii ay  joogtey , karaamo-darrada ka jirta iyo musuqmaasaqa hadheeyey. Si loo tayeeyo waxbarashada iyo maamulka wasaaraddaba waxa aan ku talin lahaa wasiiradda ha laga beddelo wasaaraddan.

  Wa billaahit Tawfiiq .

   Allaa Mahad leh.

 

Dr. Mouse Abdirahman

Email: Dan-sheeg4@hotmail.co.uk

UK, London.