Xukuumadda Oo Xisbiyada Mucaaridka Ku Eedaysay Fidnida Rabshadii Gabilay Tacsi-na U Dirtay Qoysaska Labadii Sarkaal Ee Geeriyooday.

image

(SM-Hargaysa)Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka xun tahay dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay mudaharaadkii rabashadaha watay ee maanta ka dhacay magaaladda Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley, waxaanu tilmaamay inay fidmadaasi ka dambeeyeen dad dano gaar ah leh oo bulshadda ku faafiyay warar been abuur ah oo sheegayay in askarigii habeen hore dilay labada sarkaal ee ciidanka qaranka ka tirsanaa inta la qabtay la sii daayay.

Afhayeenka Madaxtooyadda oo ku sugan magaaladda Gabiley oo u waramay Saxaafadda, ayaa sheegay in xaaladda nabad-gelyo ee magaaladdu ay degan tahay, ka dib markii lagu guulaystay in la dejiyo dadweynaha Magaaladda.

 

“Waxaanu ka xun nahay khasaaraha iyo dhaawacyadda soo gaadhay illaa toddoba qof oo shicib ah oo dhaawacyo fududi soo gaadheen iyo illaa saddex askari oo boolis ah oo dhaawacyo iyo nabarro ka soo gaadheen dhagaxaantii lala dhacayay ciidanka. Runtii dad fidmo abuur ah oo danno gaar ah leh ayaa warar been abuur ah ku faafiyay dadweynaha oo sheegay in ninkii askariga ahaa ee labada sarkaal ku dilay Qori-lugud inta la qabtay haddana la sii daayay. Waxaan leeyahay arrintaasi waa been iyo waxba kama jiraan ay dad warxumo tashiil ah oo la baadhayaa ay dadweynaha ku marin habaabiyeen,”ayuu Yidhi Afhayeenka madaxtooyaddu.

Mr. Dhuxul waxa uu sheegay labadii sarkaal ee lagu dilay qori-lugud ay ahaayeen laba masuul oo ka dhintay qaranka Somaliland ee ay u shaqaynayeen, waxaanu yidhi “labadii sarkaal ee la dilay ma aha laba qof oo shicib ah oo ka baxay beelo ee waxay ahaayeen laba sarkaal oo ka geeriyooday dawladda Somaliland waa in arrinta sidaas loo fahmaa.”

“Xukuumadda Somaliland way u tacsiyadeysay labadii qoys ee ay ka baxeen labadii sarkaal waxaanay xukuumaddu qoysaskaasi la wadaagtay geerida waxaanay balan qaaday in askarigii dilay meel kasta oo uu galo gacanta lagu soo dhigi doono si sharciga loo horkjeeno,”ayuu yidhi Afhayeen Axmed Saleebaan Dhuxul.

“Jamaal Cali Xuseen waxa uu si cad ugu badheedhay inuu fidmo hor leh ka dhaliyo gobolka Gabiley, waxaana ayaan darro ah in ninka sheeganaya inuu doonayo mansab madaxweyne uu afkiisa ka yidhaahdo wax aan jirin oo xaalad abuur ah, waxa uu Jamaal yidhi askarigii labada sarkaal dilay waa la sii daayay oo baabuur ayaa la siiyay. Ninkaasi waxa uu si badheedh ah u doonayaa inuu nabad-gelyo darro ka abuuro dalka. Waxaanan beeninaynaa warka uu sheegay ah in la sii daayay askarigaasi. Xukuumaddu iyadaa Jamaal ka jeclayd labadan sarkaal ee wadankooda u shaqeynayay, waxaanan shacbiga u soo jeedinayaa inaanay dheg u dhigin hadaladda naxli abuurka iyo kicinta ah ee Jamaal Cali Xuseen ka soo yeedhay,”ayuu ydhi Afhayeenku.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Somaliland dhaaftay xiligii nin siyaasiya ama xisbi mucaarid ah magaciisa huwani uu fidmo dhex dhigi lahaa bulshadda, waxaanu yidhi “Waxaan arkayay xubno ka tirsan xisbiga WADDANI oo ka hadlayay mudaharaadkan ka dhacay Gabiley, waxaan leeyahay xisbigaasi halkan (Gabiley) iyo guud ahaan-ba dalka fidmo kama ridi kartaan ee is hubsadda oo dadweynaha ka daaya beenta iyo war-xumo tashiilka aad kula dhex jirtaan.”

Salaanmedia/Hargaysa