XUKUUMADDA S/LAND KA YEELIMAYNO NINKII WAX DILAA BAXSADAY, XISBIYADA MUCAARIDKANA KA YEELI MAYNO IN AY GEBILAY KA DHIGTAAN KUBAD SIYAASADEED.

imageLXUKUUMADDA S/LAND KA YEELIMAYNO NINKII WAX DILAA BAXSADAY, XISBIYADA MUCAARIDKANA KA YEELI MAYNO IN AY GEBILAY KA DHIGTAAN KUBAD SIYAASADEED.

 

Ugu horayn waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaanba bulshoweynta reer Somaliland, gaar ahaan qoysaskii iyo qaraabaddii ay ka baxeen labada sarkaal ee kala ahaa Abaanduulihii Guutada 17aad Saddex xidigle Maxamed Yusuf Aw Rabaax & Madaxii Hawlgalada ee Guutada 17aad Xidigle Jaamac C/lahi Xayd. Labadan marxuuna waxa aan Illaahay uga baryayaa in uu janaddii Fardowsa ka waraabiyo. Aaamiin.

Waxa kale oo aan iyagana si gaar ah uga tacsiyadaynayaa dhamaanba dadweynaha reer Gabiley, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabaddii uu ka baxay wiilkii yaraa ee sidda axmaqnimada ah ay ugu toogteen ciidamada RRU-du mudaddii uu mudaharaadka salmiga ah ka socday magaalada Gabiley, isagana waxa aan Illahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Intaas kadib, waxa aan jecelahay in aan halkan ka idhaa saddex kalmadood oo ku kala socda dadweynaha reer Gabiley iyo Awdal, mid ku socota xukuumadda S/land iyo mid u gaar ah xisbiyada siyaasadda ee raba in ay arrinka siyaasadeeyaan.
Ugu horayn waxa aan ka codsanayaa, una soo jeedinayaa dadweynaha reer Gabiley iyo Awdal oo aan anigu shaqsi ahaan kasoo jeedo labadoodaba in aan arrinka laga dhigin mid qabyaaladeed. Waan wada ognahay xanuunka ay leedahay dilka badheedhka ah ee loo geystay labadan sarkaal iyo weliba sidda maamuus xumada ah ee ay xukuumadda S/land ula dhaqantay aaskii loo sameeyay labadan sarkaal. Waan ogahay in aanay marnaba suurto gal ahayn in aan ka yeelno ninkii dilka geystay isaga oo dhex jooga boqolaal ciidan S/land ah oo wada hubaysan ayaa la la’yahay ama baxsaday. Arrinkaasu marnaba ma aha mid aan ka yeelayno xukuumadda S/land iyo ciidamada qarankatoona. LAAKIIN arrinkaasu marnaba ma aha arrin qabiil ama reereed. Waa masiibo ku dhacday qaranka S/land, gaar ahaan Ciidamada qaranka, gaar ahaan labadaas marxuum ee u taagnaa ilaalinta sharafta iyo karaamada qarannimada S/land. Haddii ninka dilka geystay uu kasoo jeedo beesha uu Madaxweynaha S/land kasoo jeedo ma aha in loo bedelo si reereed ama qabiileed. Waxa aan idinkala dardaarmayaa in aan afka iyo dhegaha la idiin gelin kalmadaha isku dirka ah ee ay ugu horayso “Aargoosi”, iwm. Dhiig xaqdarro ku daaday ayaan ka dagaalamaynaa, markaa yaan marnaba gacanta la idiin gelin dhiig walaal oo aad xaqdarro ku daadisaan.

Xukuumadda waxaan lee’ahay: Marnaba suurto gal ma aha in la idinka yeelo arrinka ah: Waanu weynay ninkii dilka geystay iyo sheeko aan caqliga saaxiga ah geli karin. Waxa ay dhamaanba dadweynaha Somaliland, gaar ahaan reer Gabiley iyo Awdal idinka sugayaan in aad muddo 3 maalmood gudahood ah ku soo qabataan gacan kudhiiglihii dilka axmaqnimada ah u geystay saraakiishan qaran isla markaana aad maxkamad ciidan kusoo horkeentaan muddo gaaban, iyada oo waxa keliya ee aanu ku qancaynaana ay tahay in si fagaare ah loogu toogto gacankudhiiglaha. Haddii lagu soo waayo mudadaas 3da maalmood ah gacankudhiiglihii dilka geystay waxa aanu idinka filaynaa in aad soo qaqabataan ciddii u saamaxday in uu dilka sameeyo isla markaana meesha uga baxsado si aan cabsi lahayn.

Xisbiyada Mucaaridka ah: Waxa aan lee’ahay dilkanu ma aha mid siyaasadeed ee waa masiibo qaran. Idinkama yeelayno in aad ka dhigataan kubad siyaasadeed oo aad dadka ku kicisaan. Qaar ka mid ah mucaaridka oo weliba madax sare ah ayaan arkayay oo ku baaqaya kalmado ay ka mid yihiin “Aargoosi, waanu iska celin beesha Siilaanyo, iwm”. Waxaan idiin sheegayaa in ay dadweynaha reer Gabiley iyo Awdal ay ogyihiin in aanu dilkanu ahayn mid reereed iyo mid siyaasadeedtoona ee uu yahay masiibo qaran. Haddii aydaan fahminna mudaharaadka maalintii shalay ahayd ka dhacay magaalada Gabiley waxa ay dulucdiisu ahayd in ay diidan yihiin arrinka ah “Ninkii wax dilay ayaa baxsaday isagoo xero ciidan dhex jooga”. Markaa waxa aan uga digayaa xisbiyada Mucaaridka ah in aanay isku deyin in ay ku ciyaaraan nafta iyo hantida beelaha walaalaha ah ee reer Somaliland, marnabana aanay suurto gal ahayn in reer Gabiley iyo Awdal aargoosi kula kacaan dad masaakiin ah oo shicib ah oo kasoo jeeda beesha Madaxweynaha iyo beelaha kale ee Somaliland-toona.

Ugu dambayn, waxa aan dhamaanteen inagu guubaabinayaa in arrinka loo fahmo in uu yahay fal dambiyeed qaran, loona baahan yahay in lasoo qabto, lana xukumo ciddii dambigan geysatay ee aan marnaba laga dhigin dil reereed oo keena aargoosi iyo colaad la iinoga faa’iidaysto.

Guul iyo Gobonimo

Yusuf Budle