Agaasimihii Hore Wasaarada Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Cabdiraxmaan Cawil Xasan Oo Hambalyo Udiray Ardayda Gobolka Saaxil Ee Ka Qalin Jebisay Dugsiyada Sare Iyo Kuwa Fasalada 8aad

AGK-E
Agaasimihii hore ee Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland Cabdiraxmaan Cawil Xasan Ayaa dhambaal hambalyo iyo Bogaadina u diray dhamaan ardaydda Gobolka Saaxil ee Sanadkan u fadhiistay itixaanka Shahaadigaa ee Dugsiyada sare iyo kuwa Dhexeba waxana uu Mudane Cabdiraxmaan Cawil Xasan Ku bogaadiyay Maamulka Wasaarada Waxbarashada iyo dhamaanba Maamulka Iyo Macalimiinta Dugsiyada Gobolka Saaxil 

Kaalinta Qiimaha badan ee ay ka keeneen itixaanka Sanadkan 

oo uu sheegay inuu Gobolka Saaxil Galay Kaalinta Sedexaad ee Guud ahaan Dalka Marka laysu geeyo

Sidoo kale Mudane Cabdiraxmaan Cawil Xasan ayaa Sheegay inuu si mugle u dhiiri gelinaayo 

Bahda Waxabarashada ee Gobolka Saaxil iyo Ardayda Gobolka Wax ka barataba

Dhambaalkan uu Agaasimihii Hore wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Baddu u diraayo Wasaarda Waxabarshada iyo Ardayda Ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo caawa Magaalada Berbera Xaflad dabaal dega ay Maamulka Degmadu ugu sameeyeen Hotel Xeebsoor Magaalada Berbera

Waxana uu sheegay in uu aad ula dhacsanyahay oo uu dareemaayo Farxada ay dareemayaa Ardayda iyo Macalimiinta Dugsiyadu amaba Guud ahaan Shacbiga Gobolku Mid ka mug wayn oo isaga si gaara u taabanysa 

Ugu dambayntii waxa uu Mudane Cabdiraxmaan Cawil Xasan 

si mug leh ugu Mahad naqay Hawl wadeenada Wasaarada Waxbarshada ee Gobolka Saaxil oo Sheegay inay Guteen Waajib Taarikhiya oo aan hore usoo marin Taariikhda Waxbarshada Gobolka Saaxil Mudooyinkii U dambeeyay.

Salaanmedia/Hargaysa