Akhriso… 12-Qodob oo ay ku heshiiyeen Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Puntiland(Daawo Sawirada)

hish_4

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntiland heshiis ku kala saxiixday maanta madaxda dowlada Somalia iyo kuwa maamulka Puntland oo maalmahan halkaas ku lahaa wadahadalo.

Wadahadalka ayaa lagu soo afjarayey khilaafaad iyo mugdi labada dhinac soo kala dhex galay mudooyinkan, waxaana loo saaray guddiyo labada dhinac ka kooban oo ugu dambeyntii keenay heshiis 12 qodob ka kooban.

Raisul wasaaraha Somalia C/wali Shiikh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa si rasmi ah heshiiskaas qalinka ugu duugay.

Waxaa munaasabada saxiixa heshiiskaas goob joog ka ahaa wakiilo ka socday beesha caalamka sida QM, Midowga Afrika, IGAD, midowga Yurub iyo qaar kale oo dhinacooda ka saxiixay heshiiskaas oo ka koobnaa 12-ka qodob ee soo socda:-

12-ka qodob ee lagu heshiiyay

1-Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

1.1- Dooda Puntland ee qodobada la badalay,waxay Dowlada Federaalku waxay ka garaabaysaa Dooda Dowlada Puntland eek beegan wax ka badalka Dastuurka dalka,waxayna labada dhinac isku raaceen in arrintaa ay ka wada hadlaan labada Baarlamaan ee Puntland iyo Federaalka,Dowlada Federaalkuna ay fududayso wada hadalkaas.

1.2- Dhamaystirka iyo fulinta Dastuurka;-Waxaa la isku raacay dhamaystirka iyo dardargalinta Dastuurka iayada oo loo marayo sida Dastuurkun qabo Cutubkiisa 15-aad.
1.3- Dhismaha Dowladaha Xubnaha ka noqonaya Dowlada Federaalka;-Dhismaha Dowladaha ka mid noqonaya Dowlada Federaalka waa inuu ku salaysan yahay sida Dastuurku qabo,waxayna Puntland iyo Federaalku ay isla qaateen in Maamulka KMG ah ee Gobolada dhexe ee ay Hogaaminayso DFS uu ka kooban yahay Galgaduud iyo Koonfurta Mudug, sidoo kalena Waqooyiga Mudug wuxuu ka tirsan yahay Maamulka Puntland.

1.4- Dhismaha Ciidamo Qaran oo umada ka dhexeeya;-qodobkaa waxaa loo racaaya sida ku xusan heshiiska Garowe 11/Maarso/2013 oo ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdifaarax Shardoon Saacid iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole,oo tibaaxaya dhisida Ciidamo Qaran oo isku dheeli tirsan,isuna dhafan,lagana soo qoro dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka.

2- Heshiiyada horay loo wada galay;-Labada dhinac waxayn isla ogolaadeen in heshiisyadii horay loo wada galay ee Federaalka iyo Puntland ay Waajib tahay in la fuliyo,iyadoo uu saldhig u yahay hehsiiskii ugu dambeeyay ee ay wada Saxiixdeen Dowlada Puntland iyo Xukuumadii Saacid,maadama heshiisyadii hore ay hirgali waayeen waxaa lagu heshiiyay in fulinta iyo Dabagalka heshiisyadii hore iyo kan maanta loo xilsaaro Guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac waa Federaalka iyo Puntland,ayna ka qayb qaataan Hay’adaha ay khusayo ee labada dhinac.

3- Wada tashiga Dowlada Federaalka iyo Dowlada Puntland ee ku aadan hehsiiyada Hormarineed iyo Heshiisyada Caalamiga ah;-Dowladaha Puntland iyo Federaalka waxay isla qaateen fududaynta Heshiisyada Hormarineed iyo kuwa Calaamiga ah,waxaana loo dhaqmayaa sida ku Cad Dastuurka Federaalka qodobkiisa 53-aad.

4- Qaybsiga Deeqaha Caalamiga ah ee lagu heli Magaca umada Soomaaliyeed;-Labada Dowladood ay ku heshiiyeen in si Cadaalada loo qaybiyo dhamaan noocyada deeqaha magaca Soomaaliyeed lagu helo.

5- Hiigsiga 2016;-Waxay labada dhinac isla qaateen in illaa hadda aan wada tashi buuxa aan laga yeelan Geedi socodka Hiigsiga 2016,waxaana labada dhinac ay ku heshiiyeen in arrintaas wada tashi laga furo iyo sidii looga gudbi lahaa Caqabada jira.

6-Hantida umada Soomaaliyeed ee Dibada ku maqan;-Labada dhinac waxayb isla qaateen in wixii Hanti ah oo loo celiyo umada Soomaaliyeed si Cadaalad ah loo qaybiyo,qaabka loo marayana uu noqdo mid laga wada tashtay.

7- Aqoonsiga Shahaadada Dugsiga Sare ee Puntland;-Shahaadada Puntland waxay u ekaanaysaa mida ay bixiso Wasaaradda Waxbaarshada iyo Barbaarinta Dolwada Federaalka Soomaaliya,waxaa sidoo kale ka muuqanaya magaca Wasaaradda Waxbaarshada iyo tacliinta sare ee Dowlada Puntland.

-Dowlada Federaalku waxay Aqoonsan tahay Shahaadada lagu heshiiyay ee Puntland,Dowlada Federaalka waxay u gudbinaysaa Dowlada Suudaan iyo cidii kale ee loo baahdo qoraal lagu Cadaynayo in Puntland ay qaado Imtixaan Midaysan oo Dowlada Federaalku ay Aqoonsan tahay.

8- Isku Dheelitirka Jagooyinka Dowlada Federaalku magacaabayso;-Labada dhinac waxay isla qaateen in Jagooyinka iyo Xilal ay magacowdo Federaalku sida;Saraakiisha Ciidamada,Hawlwadeenada Rayidka ah,Xubnaha Guddiyada Madaxa bannaan,Diplumaasiyiinta IWM loo magacaabo si Cadaalad ah lana tixgaliyo Saamiga Haweenka.

9- Hantida la kala haysto:-Waxaa lagu heshiiyay in arrintaas loo fuliyo sida ku Cad heshiiskii 11/Maarso/2013,qodobka 6-aad Farqadiisa 6.6,ee leh waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in Dowlada Federaalka ay dadajiso isucelinta Hantida gaar ahaaneed,si loo helo Dib u heshiisiin dhan ah,iyada oo loo magacaabayo Guddi heer Qaran ah oo Madax bannaan,go’aanadiisuna ay yeeshaan awood fulineed.

10- Qaabka wada shaqaynta Federaalka iyo Puntland;-waxaa la isla qaatay in sida ugu wannaagsan ee ay u wada shaqayn karaan Dowladaha Puntland iyo Federaalka ay tahay sida ku cad heshiiskii 11/Maarso/2013 qodobkiisa 1-aad oo qoran sida soo socota;-

-Kor u qaadida kalsoonida iyo Xiriirka Federaalka iyo Puntland.

1.1- In la wannaajiyo Xiriirka iyo wada hadalka Labada Dowladood,lana isdhaafsado booqashooyin,lana illaaliyo Baratakoolka Dowliga ah.

1.2- In la dhiirigaliyo wada shaqaynta Hay’ada kala duwan ee Puntland iyo Federaalka.

1.3- In la dhaqan galiyo dhamaan heshiisyada dhexmaray Puntland iyo Federaalka,wixii aan ka horimanayn Dastuurka.

1.4- Illaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka.

1.5- In la joojiyo lagana hortago wixii wax u dhimanaya xiriirka iyo wada shaqaynta Labada dhinac,wixii tabasha ahna lagu xaliyo wada hadal.

11- Qodobada iyo Ajandayaasha aan ku jirin heshiiska;-Labada dhinac waxay ku heshiiyeen Qodobada iyo Ajandaha aan ku jirin heshiiska ee untland ay soo Gudbisay inay noqdaan kuwo looga hadlo fadhiyada soo socda ee labada dhinac ay yeelan doonaan.

12- Soo Afjarida Khilaafka Labada dhinac;-Heshiisku wuxuu soo afjarayaa heshiiska wixii khilaafaad ahaa ee u dhexeeyay labada dhinac,wuxuuna Daahfurayaa is-afgarad,wada shaqayn toos ah iyo iskaashi lagu xaqiijinayo danaha Qaranka Soomaaliyeed iyo hormarinta Geedi socodka dowladnimada Soomaaliyeed heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Salaanemdia/Moqdisho