AKHRISO Magacyada Xubnaha Cusub Ee Guddida Doorashooyinka Qaranka Iyo Jufooyinka ay Kasoo Kala Jeedaan:

Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo U gudbiyey Golaha Wakiillada si ay waajibkooda distooriga ah uga gutaan ayaa noo suurto gashay inaanu helno hayb ahaan jufooyinka ama ardaayada ay kasoo kala jeedaan.

Xubnahan oo Haddii ay golaha wakiilladu Ansixiyaan, beddelaya dhigooda hore ugu fadhiyeyey kuraasta  Hay’adda u sarraysa ee doorashooyinka dalka Masuulka ka ah ayaa Saddex ka mid ah waxaa soo magacaabay Madaxweynaha, Laba Xubnoodna waxaa soo magacaabay Guddoomiyaha golaha Guurtida, halka labada xubnood ee baaqiga ahna ay soo kala xuleen Labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI.

 

Haddaba Waxa ay Magacyada Xubnaha Cusub iyo Beelaha ay kasoo jeedaan u dhigan yihiin sidan hoose ee Akhris Wacan:

 

  1. Maxamed Jaamac Maxamed- Habar-jeclo/reer Iddood [Madaxweynaha Ayaa Soo Xulay]
  2. Maxamuud Jaamac Wacays-Samaroon/reer-nuur- [Madaxweynaha Ayaa Soo Xulay]
  3. Kaltuun Sh. Xasan Cabdi-Habar Awal/Sacad Muuse/Jibriil Abokor-[Madaxweynaha Ayaa Soo Xulay]
  4. Siciid Cali Muuse –Harti/Warsan-geli- [Guddoomiyaha Guurtida ayaa Soo xulay]
  5. Cabdiqaadir IimaanWarsame-Arab/Axmed Cabdalle- [Guddoomiyaha Guurtida ayaa soo xulay]
  6. Cabdifataax Ibraahim Xasan-Ciidagale/reer Ergin- [Guddoomiyaha UCID Ayaa soo Xulay]
  7. Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal)-Habar Yoonis/Sacadyoonis – [Guddoomiyaha Waddani Ayaa soo xulay].

ka-soo-qaybgalayaashi-tile