Al-khair “Foundation” Oo Keentay Riigii Ugu Weynaa Ee Dalka La Keeno + SAWIRO

Bushaaro, Al-khair “Foundation”  waxay  dalka keentay riigii ugu weynaa ee geeska afrika la keeno,kaas oo cabirkiisu yahay “850”mittir, haqab-tiri doona baahida biyaha ee dalka ka jirta, halkaas oo deegaano badan oo aan hore looga soo saarin gaadhi doono biyo.

Waxaa dadaal weyn ka galay keenida riigaas maamulka “Al-khari Foundaton” mudane “Osman Yuusuf Abdilahi Jilaal” oo mudo ku hawlanaa keenida riigaas, markuu arkay baahida loo qabo awgeed.

Untitled

Haayadda samafalka ee “Al-khair Foundation” oo ah haayad khayri ah, waxay dalka ka shaqeyneysay mud 4sano ah, taas oo hirgalisay ceelal biyo oo “riig” ah, kuwaa soo ka kooban afar ceel, goboladda ay ka hirgalisay ceelashaas waxaa ka mid ah Saaxil, Togdheer, Sool, Sanaag.

Samafalka Al-khair foundations kuma eka oo kaliya qodida ceelasha riiga ah, waxay caawisaa dadka danyarta ah, waxay kaloo bisha ramadaan kafaalo qaadaan qoysaska danyarta ah, kuwaas oo ay ugu deeqaan cunto tayo sareeya oo ay aad u mahadiyeen.

Al-khair foundation waxa kaloo ay ciida “Udxiyada” qeybiyaan xoolo ay dadka danyarta ah, ugu talo galaan si ay ula sinmaan ulana wadaagaan farxada ciida.

Untitled

Baahida aadka u badan ee ay Al-khair foundation dabooshay intii ay dalka joogtay waxaa aad loogu mahadiyaa waraabinta dadkii ku tabaaleysnaa gobolada bariga, kuwaa oo surmigii ka helay biyo ay baahidooda ku daboolaan. hawshaa al-khair  ummada ugu aadan tahay waa mid mudan tilmaan iyo boogaadin, waa mid mudan isgarab taag, dhamaan shacabka soomaalilaand waa mid ay ugu hayaan abaal aan duugoobayn, sida cadaalada iyo sinaanta leh ee ay ugu shaqeeyaan, dadkooduna ay ugu siman yihiin,  hadafka kaliya ee ay leeyihiina yahay daboolida baahid biyood, iyo caawinta dadka danyarta ah.

Fariin iyo wacyigalin:

Waxaanu bulshada somaliland u soo jeedineyanaa in hawlwadeenada gacan laga siiyo hawsha ay dalka ka hirgalinayaa, lana isgarab taago, si ay u fududaato hawlaha samafalka ay wadaan waxaa mudan in aynu hiil-iyo hooba u hurno, maadaama oo ay dantoodii ka horumariiyeen danta bulshada.

Gunaanad:-

– Si hawshaas u hirgasho waxaa mudan in dhamaan aqoonyahanada, wax-garadku isbarbar taagaan haayadan “Al-khair foundation”
– Al-khair Foundation waxay inaga mudan yihiin, hanbalyo iyo boogaadin, joogto ah iyo in aynu ugu mahad celino shaqada ay inoo hayaan.

Garaad Mahad Max’ed Abdi
Tell 063-4854791
G-Mail- garaadmahad74@gmail.com