Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada weerar lagu dilay Askar Milateriga Somaliya ka tirsan oo deegaanka Jazeera ka dhacay

image

 

 

 

 

 

 

 

 

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka saak ka dhacay deegaanka Jazeera ee duleedka dhanka Koonfureed Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarkaan ayaa dhacay saaka aroortii, xilli ciidamadan Milateriga ka tirsan ay ku sugnaayeen fariisin ay ku leeyihiin deegaanka Baqal oo ka tirsan Jazeera, sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen.

Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab oo la hadlay Idaacada Andulus ee Shabaab ay ku leeyihiin Degmada Baardheere, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Shabaab ay fuliyeen weerarkaasi ayna ku dileen ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay dileen 3-Askari halka afar kalena ay dhaawaceen, isaga oo intaasi ku daray hadalkiisa in goobta ay ka qaateen qoryo gaaraya 4-oo nooca Ak-47 ah.

Sarkaalkaan Shabaab ka tirsan ayaa intaasi hadalkiisa wuxuu ku daray in ciidamada Shabaab ay si nabadgelyo ah goobta uga dhaqaaqeen, markii ay gaareen ujeedka howlgalkii ay damacsanaayeen.

Wadada ka baxda Isgoyska Korontada ee aada dhanka deegaanka Jazeera ayaa meelaha qaar oo intii wadada lagu socdaalayo lagu arkaa ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fadhiya hareeraha wadada, gaadiidka waa weyn ee carada kasoo qaada Jazeera lacago halkaasi uga qaata.

Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin weerarkaan saaka lagu dilay ciidamada ka tirsan kuwa Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaanmedia/Mogdisho