Ambassador Kayser Waa biriijka Mucaaridka iyo Muxaafidka Somaliland

 Kaysar

Runtii Waxa aan la yaabay maqaal aan arkay oo lagu durayay ambassador kaysar oo ah shaqsi runtii intii aan magaalada Bristol, Uk degana aan arkayay inuu yahay nin hawl kar ah, fariid ah oo ay u dheer tahay firfircooni uu ku dhaafay jiil badan oo filkiisa ah. aqoonta aan Ambassador kaysar u leeyahay waa wax yar laakiin mudadii aan arkayey ee aan deganaa magaalada  Bristol, uk wuxuu ahaa nin dhaqan wacan oo asluub badan oo dadka bristolian ka ahi ay amaanan kaalinta wanaagsan ee u bulshada ugu jiro.
Haddba, Waxa in badan aan arka Ambassador kaysar oo dadka qaar iska dhaliilan oo ay xag xagtaan, waana ceeb in shaqsi sida u wanaagsan ay dad xaasidiin ah ay ku mashquulan. Aniga oo runtii ah madaxda xisbiga wadani ee Bristol, waxa aan xaqiijinaya inuu ambassador yahay shaqsi biriij u ah mucaaridka iyo muxaafidka Somaliland ee Uk, wuxuu kaalin weyn ka qaata soo dhaweynta madaxda dawlada iyo kuwa xisbiyada mucaaridka ah. wuxuu inta badan u ololeeya qadiyad Somaliland goobaha fagaarayasha ee dawlada dhexe ee uk iyo golayaasha degaankaba. Haddba, waxa la yaab leh, nin sida karti u leh oo bulshada Somaliland mucaarid iyo muxaafidba ay qirayaan inuu yahay nin qaran in dad buka ay  xajin la daba socodaan. waxaan ku waaninaya kuwaas in kaysar u baahan yahay dhiiri gelin ee aanu u baahanayn dhaliil, waxaana ambassador kayser ku dhiiri gelinaya aniga oo mucaarid ah inuu sii laban laabo hawlaha ummada Somaliland iyo qarankaba u hayo. 
Ugu danbeyntii, Waxaan ku soo gebogebaynaya maqaalkayga gabaygii salaam carabay ee ahaa waxba yaanu xeerkay I marin xoolna I siinee , xaasha e nin libin ka xistiyey xumihii waa yaab.!!. Ambassador kayser dad ka sxb u caqliga ahi waa og yihiin qofnimadiisa iyo waxtarkiisaba.
 
Saeed A dualeh
Bristol, Uk.