Aqoonyahan Soomaaliyeed oo abaal marin Qaali ah lagu gudoonsiiya Magaalada Qaahira (Daawo Sawirada)

Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa waxaa xaley abaal marin lagu gudoonsiyey taariikhyahanka iyo qoraaga rug cadaaga ah ee Soomaaliyeed Dr. Maxamed Xuseen Macalin.

Xafalad balaaran oo abaalmarino lagu lagu siinayey saxafiyiin, qorayaal iyo cilmi baareyaal u dhashay dunida Carabta, taasoo lagu maamusayey konton guuradii kasoo wareegtey markii dhidibada loo taagey urur weynaha saxufiyiinta iyo qorayaasha wadamada carabeed ayaa waxaa lagu abaal mariyey 18 qof oo uu ku jiro aqoonyahankan Soomaalyeed.

Biladan oo uu qoraagan Soomaaliyeed Dr. Maxamed Xuseen macalin gudoonsiiyey Raysal wasaraha dalka Masar Ibraahiim Maxlab ayaa waxaa uu ku muteystay sida goobtaasi laga sheegay howlkarnimo muddo dheer socotay oo uu ku aruuriyey qoraalo iyo agab taariikheed kale oo la xiriira Soomaaliya, isagoo sidoo kalena buugaag iyo qoraalo cilmiyeed kale ka sameyey dalkiisa, taas oo maqaam weyn usoo jiidey dadkiisa iyo dalkiisa.

Dr. Maxamed Xuseen macalin waa qoraa wax ku qora afafka Carabiga iyo Soomaaliga, wuxuuna si gooni ah isugu howley rubuc qarnigii la soo dhaafey inuu raad raac xoog leh ku sameeyo sooyaalka iyo taariikhda Soomaalida tan xilliyadii fogaa, waqtigii ay dalka ka jireen xukunadii Islaamka iyo marxaladaha cusub intaba isagoo soo saarey buugaag arintaas la xiriirta. 

Waxaana buugaagtiisa oo tiro badan laga xusi karnaa kitaabkiisa hormoodkii luuqada iyo dhaqnka Carabta ee Soomaaliya, diiwaanka qorayaasha Soomaaliyeed ee afka carabiga wax ku qora iyo kuwo kale ee badan.

Sidoo kale Dr. Maxamed Xuseen waxaa uu kaalin weyn ka siiyey qoraaladiisa suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida sida gabayga iyo hal abuurka kale ee maansada wuxuuna soo saarey dhowr buug oo ku jiro diiwaankii gabayada ee abwaan Abshir Bacadle.

Dr. Maxamed Xuseen Macalin oo ah aqoonyahan wax ka dhiga dalka Norway islamarkaasn dagan halkaasi, waxaa uu ku dhashay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sanakii 1964, wuxuuna wax ku bartay dalalka Soomaaliya, Sucuudiga, Suudaan iyo Norway, waxayna abaalmarintaan uu helay ay sharaf usoo jiideysa dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo xiliyadaan isku dayaya in ay kasoo kabtaan dhibaatadii dagaalada iyo fashilka siyaasadeed.