Ardayda Somaliland Ee Wax ka Barata Jaamacadaha Wadanka China Oo Gudoomiye Cusub Doortay + Sawiro

Hangzhou(sm)- Ururka Ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamcadaha wadan China ayaa doortay gudoomiye cusub kaas oo xilka kala wareegay gudoomiyihii hore oo wakhtigiisii dhamaaday.

Gudoomiyahan cusub ee ardayda Somaliland ee wadanka China doorteen ayaa ah gudoomihii todobaad ee soo mara ururka ay ku bahoobeen ardayda Somaliland ee wax ka barata jaamacadaha wadanka China.

Ardayda reer Somaliland ee wadanaka China ayaa ah arday ku caano maalshay dhaqanka suuban ee dalKeena yaala iyagoo Sanad kasta doorta hogaan cusub, waxaanay sanadkan u doorteen Mubaarig Bulbul Cutte inuu ahaado gudoomiyaha ururka ardayda Somaliland ee Wadanka China Mudo sanad ah.

mubaarig bulbul cutte

Gudoomiyaha Cusub Mubaarig Bulbul Cutte

Xaflad lagu caleemo saarayay gudoomiyaha cusub Mr. Mubaarig Bulbul Cutte oo ka dhacday magaalada Hangzhou ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyhii hore ee xilku ka dhamaaday Mustafe cabdale Cabdi, Gudoomiyihii isaga ka sii horeeyay Mr. Mohamed Muuse Biixi Cabdi iyo dhamaan ardayda Somaliland ee wax ka barata jaamacada ku yaala magaaladaas.

maxamed muuse

Gudoomiyihii ka horeeyay kan Imika xilka ka dagaya Mohamed Muuse Biixi Cabdi

Gudoomiyihii hore ee xilku ka dhamaaday Mustafe cabdale Cabdi, oo halkaa ka hadlay ayaa ka waramay waxii u qabsoomay ururka ardayda Somaliland intii uu xilka hayay waxaanu ilaahay uga baryay inuu gudoomiyaha cusub u fududeeyo xilkaa loo dhiibay.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay gudoomiyihii ka sii horeeyay kan imika xilka ka dagaya Mr. Mohamed Muuse Biixi Cabdi waxaanu hambalyeeyay gudoomiyaha cusub.

ardayda somaliland ee china

Ardayda reer Somaliland ee China ku sugan ayaa ah kuwo ka dhex muuqda bulshada kale ee ardayda ah ee ay wax wada bartaan , iyago had Iyo jeer ku dadaala wixii Dan u ah qaranka Somaliland , xusas waawayn baa ka dhaca China oo ay ardaydu qabtaan oo dhaqaalehehena ay tabarucaan iyagoon caawimo toos ah ka helin Dawlada Jamhuuriyada Somaliland oo had iyo jeer caawisa jaaliyadaha dalalka dabadiisa ah ku dhaqan.

Dalka China waxa wax ka barta ku dhawaad 350 araday oo reer Somaliland ah kuwaas oo waxka barta jaamcadaha ku yaala magaalooyinka Hangzhou , Nanjing , Wuhan, Guangzhou, Jilin , Qingdao iyo magaaloyin kale.

Sanadkan 2014 ka waxa jaamcadaha wadanka China ka qalinjabiyay 27 arday oo reer Somaliland ah kuwaas oo 23 ka mid ahi barteen culuunta engineeriyada, 2 kalena dhakhtarnimo halka labada soo hadhayna barteen culuunta ganacsiga caalamiga ah (international business).

ardayka sandkan ka qalijabisay jaamcadaha China

Arday reer Somaliland ee sanadkan ka qalinjabiyay jaamcadaha wadanka China

Sanadkan soo socda ee 2015 kana waxa jaamacadaha wadanka China ka qalin jabin doona ku dhawaad 30 arday oo bartay culuunta engineeriyada iyo 15 bartay dhakhtarnimo.

ardayda ka qalinjabisay sanadkan jaamacadaha wadanka china

Somaliland Monitor