Baaq taageero ah oo ka yimi Qurbe joogta Ciise Muse ee UK , Baaqani wuxuu ku socdaa oo taageerayaa baaqii ay soo saareen Beesha Yoonis Abdirahman oo ka mid ah Beelaha Habar Jeclo

baaq tageero
Anaga oo ah qurbo joogta UK ee ka soo jeeda Beesha Ciise Muse , Waxaanu Baaq wadareed mug-leh ku taageersanahay  Baaqii  ay  bishan October  12/10/14 ay soo saareen Beesha Yoonis Abdirahman oo ka mid ah Beelaha Habar Jeclo. Waxaanu beeshan ku raacsanahay qodobada ay shirkoodii ka soo saareen.
1- Waxaanu ku raacsanahay in masiirkii shacabka Somaliland uu gacanta u galey dumar iyo caruur iyo koox casabad ah oo aan dalka iyo dadka midna u tudheyn
     laguna tuhun sanyahay in ay yihiin masiibo gacan saar la leh  kooxo diimeed xag jir ah.
2-  Waxaanu ku raacsanahay in hogaankii wadanka ay ka muuqato habacsanaan, hufnaan iyo Karti  la’aan lagu fulin waayey hawlihii loo igmadey ee loo dhaariyey.
3-  Waxaanu beeshaa Yoonis Abdirahman aanu ku raacsanahay in hantidii maguuraanka aheyd ee wadanka ay isku koobtey koox yar oo iyagu xukunka maroorsadey.
4- Waxaanu ku raacsanahay in kooxdaa xukunka xuurtada ku qabsatey ee ku caanbaxdey boobka,burburinta sharciga,furfurida iyo kala fogeynta bulshada iyo beelaha reer Somaliland aaney marna ka talineyn horumarka dalka, wanaaga, wadaaga danta guud iyo wax wada lahaanshaha kheyraadka dalka.  Sidaa daraadeed 
-a) Maadaama aan kheyraadka dalka sharci loo sameyn oo aan baarlamaanku ansixin, 
-b) Maadaama shirkadihii hore wadanka heshiisyada ula galey aan Sharciga dalka la soo marin ee qol madow lala galey, 
-c) Maadaama ay shirkadaha Somaliland ku soo qulqulayaa ay wada yihiin shirkado Sameys ah oo dilaaliin ah oo tuugo ah oo aan caalamka aqoonsi ka haysan
 – Waxaanu ka soo horjeednaa oo cod dheer ku diidanahay in Ciidan Calooshooda ushaqeystayaal ah oo aan la garaneyn meesha laga hagi doona in wadanka laga hawlgeliyo.
–  Waxaanu la qabnaa Beeshan oo ka soo horjeednaa oo cod dheer ku diidanahay in aaney shirkad aanu baarlamaanku soo baadhin oo soo ansixin aany wadanka ka hawl gelin.
Waxay gurbo joogta beesha Ciise Muse  goosatey in ay si guud iyo si gaar ahba ay ula socoto dhaq-dhaqaaqa ka socda degaanada ay beeshu degto ee la doonaayo in shidaalka iyo macdanaha kala duwan laga sahamiyo anaga oo mar kasta  dareenkayaga  Saxaafadaha  kala duwan ku soo gudbin doona sida ugu dhakhsaha badan.
 
Waxaanu Leenahay  Madaxweyne Siilaanyo hadii xaydaabkaagii ay kuu soo galeen abrisyo aan kuu tudheyn oo sharaftaadii iyo tii qarankaba dhulka jiidey oo ay albaabka ufadhiisteen oo kaa horjoogsadeed  in maskaxdii iyo wax-garadkii JSL  ay Kula guntaan kulana bud-dhigaan talooyinkii  masiirka ummadda lagu bad-baadin lahaa , amase amar alleh kugu dhacayba oo aad taag iyo tamarba weyday  ma waxaad garan weyday si sharaf iyo karaamo leh uwareeji xilkaa iyo masuuliyadaa culus ee la guu doortey.!  Waa amuur alleh iyo Arin ugub ah  oo ka yaabisey dhamaan shacabweynaha reer Somaliland kadib markii la garan waayey cida hada hogaanka dalka haysa ee talada qaranku ka go’do.
 
Alleh ayaa Mahad Leh.
Waa-Bilaahi-Towfiiq
Gudida Qurbe Joogta Ciise Muse
ee Cariga Ingiriiska ( UK )