BARAC OBAMA HADDII UU DAL CARBEED JOOGI LAHAA , MUXUU LA KULMI LAHAA MAANTA ?

Guushii uu ku guulaystey BARAC HUSSEIN OBAMA  madaxweyne nimada dalka USA , miyaanay ahayn wax lala yaabo , waayo ? ninkan madaw ee reerkoodu u dhoofay dalka maraykanka , ee u dhashay dalka Kenya .

calimaxamedbiixi

Hadaba siden oo kale dunida kale ma ka dhici kartaa ?
Bal waxaad ka warantaa , haddii uu Obama aabbihii u tacabiri (dhoofi) lahaa dal ka mida dalalka carabta (gaar ahaan dalalka khaliijka , muxuu maanta obama noqon lahaa ? waxa hubaal ah inuu noqon lahaa (taxi driver ) ama uu cimaarrad hortaagnaa lahaa oo ilaalin lahaa ama wadhatada khudrad ku iibin laha ama garaash ka shaqayn lahaa AMA ciqaamaddu ka dhici lahayd oo uu jeelka ku jiri lahaa qolka mastaafurka , si dalkiisii loogu mastaafuriyo .
Laakiin maanta oo Obama waxa weeye madaxweynaha madaxweynayaasha , waa madaxweynaha dunida ugu xoogga weyn , waa madaxweynaha madaxweynayaasha dunida farta ugu yeedha , waa madaxweynaha ay mafaatiixda niyuukleerku gacanta ugu jiraan , waa madaxweynaha ay cid kastaaba doonayso inuu raali ka noqdo .
Obama waa ninkaa ka dhalan dal xoog weyn ama ka soo jeedin reer sare oo wax soo xukumi jirey.
Sidaas oo kale miyey ka suurto geli kartaa dhulkeenna ama dalalka carabta ama dalalka loogu yeedho dunida huruda ama saddexaad .
Hadaba wixii diinteenna suubani ina fartay 1435 sano ka hor , ayaa dalka maraykanku qaatay kuna dhaqmayaa , ee bal inaga xaggay naga martay .inaguse maxaynu ugu dhaqmi waynay ?
Inagu se qofka maxaynu ku QIIMAYNAA ?  ma diintiisa ? ma aqoontiisa ? ma midabkiisa ? ma qoladiisa ? ma garaadkiisa ? 
Obama guushii uu ku guulaystay madaxweyne nimada dalka maraykanka , waxay ahayd inaynwax ku qaadano, wax ku fahanno , laakiin nasiib darro iyo sidii caadadu ahayd waxba ku maynu qaadan .
Hadaba ilaa iyo goormaynu mugdigan ku jiri doonaa ?
Ilaa iyo goormaynu jahligu ina maamuli doonaa ?
Ilaa iyo  goormaynu indho la’aan doonaa ?
ILaa iyo goormay QABYAALADDU INA HOGGAAMIN DOONTAA ?
Marka aynu qofkeenna qiimo u yeelno , ayaynu qiimo yeelanaynaa , dunidana ka mid noqonaynaa .
Horumar iyo nolol wanaagsanne gaadhaynee   .
Maalgashiga dunida ugu wayni ee ugu qiimaha badani waa dadka , ilaa aynu middaa fahanona oo garanana , waxba inoo hagaagi maayaan .qiimee dadkaaga , Obama oo kale ayaa ka dhex buuxeeÂ