Barlamankii Somaliland wuxu u qaybsamay Xildhibaano Mooshin quutayaal ah iyo Xildhibaano Xalaal doon.

Barlamankii Somaliland wuxu u qaybsamay Xildhibaano Mooshin quutayaal ah iyo Xildhibaano Xalaal doon.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Ummada Somaliland waxa shalay u cadaatay in barlamanka Somaliland ay ku jiraan xildhibaano Mooshin quutayaal ah oo qandaraslayaal ah oo ku kiish walba ka buuxsday xoolo xaaran ah iyo dulmi oo aan qiyam iyo akhlaaqad midna aan lahayn, welibna ku indho cad in bulshada somaliland u maleegan dhagar iyo hadimo aan laga soo waaqsan doonin haddii aan bulshada somaliland ee xalaasha ahi ka gilgilan.

Ragaasi waa nimanka aan ilaa maanta aan ogeyn waxa ay ku sugan yihiin degaanadii laga soo doortay. Sidoo kale, Ragaasi waa kuwii shalay ansixiyey xeerkii diwaangelinta madaniga ahayd iyo codbixiyayaasha ee ay 64 cod ku ansixiyeen kadaba yimid inta ay laalush ka soo qaateen madaxtooyada ee guurtida yidhi ha la soo celiyo iyada oo ay ka been sheegayaan in gudoomiyaha baralamanka ciro wax ka bedelay halka u gudomiyaha guurtidna sheegay in lifaaqa warqada ku ah xeerka aanay is waafaqsanayn. marka halka waxa ka cad in aan haba yaraate jirin wax laga bedelay xeerka ee ay jiraan marmarsiyo la doonayo in dalkan aan doorasho ka dhicin ee xaaran lagu haysto taasina waxa shacabka iyo beesha caalamku aqabalayso maaha, haddii ay isku dayaana somaliland waxay u horseedi doonan in birta la iska asalo oo nin kasta sharciga gacantiisa ku qaato.

Waxa kale oo cadaatay isla shalay xildhibaanada xalaal miiradka ah ee dulmi diidka ah ee tudhaalaha u leh dalka ee mucaaridka ku jira oo diiday xaqadarada iyo xukun maroosiga la soo xaytay ee ay horseedka ka yihiin saeed cilmi rooble, buuba, rayte, xoog iyo tukaale ee habeen iyo maalin u taagan xaq ah in shacabka ay awooda sare leeyihiin oo gaashanka u daruuray wixii ay soo maleegayeen xildhibaanadii qadhaab doonka ahaa ee baryahanba habeen iyo maalin ku shiraayey guriga madaxweyne ku xigeenka. Waxa kale oo la yaab leh guriga madaxweyne ku xigeenka oo gaastiisa, dhuxushiisa iyo dhergiisaba ay ku baxdo cashuurta danyarta u noqdo xarunta naar afuufka munaafaqada iyo dibin daabayada qaranka somaliland iyada oo hore loo ogaa inuu gabood u ahaa kooxdii maafiyada ahayd ee baabisay xisbigii kulmiye, halkii u noqon lahaa meel samo ka talis ah oo laga hago bulshada somaliland mucaarid iyo muxaafidba.
Ugu danbeyntii, Waxaan u soo jeedinaya bulshada xalaasha ah ee somaliland in ay ka gilgishaan dulmiga iyo xaqdarada ay wadaan xildhibaanadaas xaraan quutayaasha ah ayna garab istaagan xildhibaanada xalaal doonka ah ee samo ka taliska ah ee idin badbaadinaya xaqiina dastuuriga oo ah in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Allah mahad leh

Saeed . A. Dualeh
Uk.