(BAROORDIIQDA SALA CALEEH, AFLAGAADADA XOOG. FEEDHKA BUUBAA & QOSOLKA GUDOMIYE CIRO XISBIGA MA U DANBAA)

maqaal

Waxaa beryahan dhegaha shacabka jamhuuriyada Somaliland dawikhiyay muranka soo noqnoqonaya ee golaha wakiilada, oo aynu orankarno waa jah wareer loogu talagalay in shacabka jamhuuriyada somaliland lagu jah wareeriyo.

Hadaba waxay shacabka aad ula yaabeen xildhibaano sheeganaya inay yihiin xildhibaano qaran oo ku tiraabaya hadalo aan qaban dalkan iyo dadkan oo ah Somaliland way burburtay ee ciidamo shisheeye halala soo gaaro sida dowlada xamar oo kale, madaxwayne sida ladoono loo aflagaadaynayo oo an qadarin madaxeed jirin, xildh xoog oo ah fidma walayaasha golaha wakiilada oo aynu ku xasuusano inuu yahay ninkii golaha wakiilada dhexdiisa lasoo baxay bastoolad sharcigana aan qaban waliba waxuu ku darsaday aflagaado isagoo aaminsan inuusan qaban sharciba gudomiye cirana u qoslayo.

Xildh bubaa oo ah xildhibaan da’yar  kuna can baxay qadarin la’aanta guurtida, ladagaalama odayaasha guurtida isagoo u haysta dagaalka lala dagaalamo ama la aflagaadeeyo guurtida inay tahay tan kaliye ee lagu noqdo geesi waxaan maqli jiray ciyaalkoo yiraahda aabow iga celi kan yar aan kan wayn iska celiyee.

Waxaan xasuustaa maalin uu wasir xirsi khudbad ka jeedinayay golaha wakiilada in uu ku dhici wayay inuu wax ka waydiyo khudbadaa uu waday wasir xirsi, markii uu tegay wasir xirsi ayuu kursigii uu ka dhagaysanayay khudbadii wasiir xirsi saxafada kula hadlay uguna gudbiyay wasiirka su’aalo kuwaasoo ku wajahan khudbadiisa tasoo looo qaadan karo inuusan ahayn mid ku dhaca raga uu ogyahay inuusan iska cabin Karin.

Xisbiga wadani uma baahna cali guray oo kale ee waxuu u baahan yahay dad asluub ahaan dhisan xildh. Xoog, xildh. Bubaana xisbiga inay hoos udhigaan moyaane ma’ahan kuwii dhisi lahaa xisbiga, cabdiraxmaan cirana waxaan leeyahay dhoola qosolka xisbiga ku socon mayee wax ka badal,

Gudoomiyaha golaha wakiilada oo ah gudoomiye waxbadan hogaanka usoo hayay golaha wakiilada ayaad modaa siduu xisbiga wadani usamaystay in ay isku milmeen xisbiga wadani iyo golaha wakiilada.

Shacabka waxay egayaan sida uu udhameeyo gudoomiye ciro khilaafka ka dhex taagan golihiisa, kuwa danbiyada anshaxeed ka galaya madaxdana sharciga la waafajiyo.

Anigoo ah madaxwaynaha mustaqbalka waxaan usoo jeedinayaa golaha wakiilada inay ixtiramaan shacabkii soo doortay manta waxay Somaliland maraysaa halkii ugu saraysay ee aynu ka ilaalino tushuushka.

Xukuumadana way kacaanowday oo awood xisbiyeed ayay yeelatay bal dhacdhaceedana haloo dulqaato ayaan leeyahay,

 

mohamed osman 

awaadan5@gmail.com