Beenay waa run Shirka ganacsatada ee London maaha heer madaxweyne oo hal wasiir baa ku filaan lahaa by Abdi Mustafe

MAQAAL
Shirka ganacsatooyinku isugu imanayaan London maaha mid madaxweyna Somaliland lagu marti qaaday mana aha heer madaxweyne oo wasiir qudha ayaa ku filaan lahaa. Silaanyo qiiqa ayuu isku qarinayaa wuxuu la bal sanyey dhakhtar kiisii la socday xaaladiisa caafimaad. Madaxweynuhu mar madaarka uu ka hadlay wuxuu sheegay in uu shirkaa ka qeyb gelayo …. Yaa salaam …. ummada ma caruur buu moodayaa. waxa uuga hawl yarayd in uu yidhaa dana ii gaara ayaan London uugu noqonayaa. Hadaba cad-ceeda sacabka laguma qarin karo xaalada caafimaad oo qof walibana waa sidaa oo lama khiyaameyn karo hadii tows iyo xanuun dadka la soo dersaan. Shirku wuxuu socon doonaa maalin qudha ,
Silaanyana wuxuu London joogi doonaa mudo wiig iyo in ka badan oo taasiba wey cadeyn in aannu shir meesha u tegin. Waxa kale oo la socda wasiiro fara badan oo qaar kood aan la garanayn waxay meesha u socdaan…. Waxay warar hoos ahaan madaxtooyada uuga soo baxayaa sheegayaan in aan Silaanyo diyaar u ahayn in uu xukunka ku soo laabto oo xaalada caafimaad ka sekow uu London u tegay si uu wada tashi uula sameeyo beeshiisa ku dhaqan London oo ah halkii Kulmiye xoog looga taakuleyn jirey si la isaga wareysto xal u helida cid xukunka lagu wareejin lahaa ee tartami lahayd oo ah arin aan xalba lahayn oo jawaabtiisu tahay haduu isagu joogi kari waayo in xisbigii Kulmiye aannu heyn cid ay isku wada raaci karaan dabeed na halkaa ay taratanka kaga hadhi doonaan. Isku soo xoori oo marwadii Amina Weris wareer weyn baa la soo dersay oo xiinka baxaya iyo xaldoonka London loo tegay iyo hawlaha is weydaaranaya iyadaa ka danbaysa oo doon doonaysa sidii ay dalka u sii xukumi lahayd.
Talo ku socota qoyska Silaanyo: Yaan lacagi idinkaga bixin tartanka madaxweyne nimo sinaba xukunka uugu soo noqon meysaan e. Wey adagta inaa sidaa wax u fahantaan oo guulwada yaasha idiinku dhow baa been idiin sheega oo runta ma heysaan ee cid waliba wey idnka socotay ee yaan lacagtaa boobteen si hawl yar idiinka bixin hadan
Abdi Mustafe 
abdi_mustafe123@yahoo.com