Beentii Xukuumada Siilaanyo iyo kooxda ku xeerani ku majarahabaabinaysay shacabka Somaaliland waxay ku fashilantay shirkii maalgashiga ee madaxweynaha iyo wasiiradiisu ka qayb galleen

IMG_5689
Beentii xukuumada siilaanyo kooxda ku xeerani  ku majara-habaabinaysay shacabka somaaliland waxay ku fashilantay shirkii maalgashiga london  ee madaxweynaha iyo wasiiradiisu ka qayb galleen

xukuumada siilaanyo iyo kooxda ku xeerani  qabyaaladii ay waday inta ay dhaafisay wadanka gudihiisa ay u bandhigayso ajinebiga

  
si ay uga dhaadhiciyaan aduunka in qabaailka aan xukunka iminka hayn loogu sheego maynooritay ama aqliyaad sida uu ka cadeeyey ninkii shirkada genel shirkii maalgashiga landon uga qayb galay.
 
in ay qabaa,ilka dhulkooda khayraadka laga helay ay aduunka u tusaan maynoorati aan waxba u dhimi karin hawlaha shirkadaha shidaalka baadhaya
genel waxay tidhi wixii qasaare soo gaadha dhulka iyo dadka ku dhaqan masuuliyadeeda dawlada ayaa qaadanaysa oo anaga wax xuquuq ah lanaguma laha oo wixii dhib soo gaadha anaga waxba nagama khuseeyaan dawlada siilaanyo ayaa sidaas noo saxeexday
 
heshiisyadaas suuqa madaw ah ee loo saxeeyo shirkadaha shisheeye ee ay u saxeexayaan kooxdan yar ee ku xeeran madaxtooyda somaliland  ee  aan dalka iyo dadka midna u tudhayn ama aanu degaankoodiiba ahayn 
oo aan shisheeyaha ugu habeen sokayn oo aan lexo-jeclo ka hayn 
miyaa lagu sii dayn karaa dalkan iyo dadkan saboolka ah?
 
waxay xukuumada siilaanyo oo wasiir ducaale iyo injineer ibraahim hormuud ka yihiin ay diideen in ay tusaan waxyaabaha  ay shirkadaha kula heshiiyeen,  dadka aqoonta cimiyeed iyo heshiisyada caalamiga ah u leh  ee degaanada saraar iyo bariga saaxil,( dhulka shirkada la  dhulka shidaalka laga baadhayo) ka soo jeeda
waxay xukuumada siilaanyo diiday in ay u soo bandhigaan oo tusaan heshiisyada suuqa madow ah ee shirkadaha ay la galeen baarlamaanka iyo wax garadka wadanka.
waxay ahayd  in dad khubaro shidaalka ah iyo aqoonyahano heshiisyada caalamiga ah aqoon u leh  loo saaro oo inta aan wax loo saxeexin oo laga tashado ma ahayn in koox yar oo lacag urursi ah oo degdegaysa oo wax la dhuumanaya oo aad moodo inay tahriibayaan  in ay wadanka  shandad ku qaadato oo shirkad walba lacag ka qaataan oo waraaqo u saxeexaan suuqmadaw ah oo wadanka iyo dadkaba khatar ku ah
dadkiina been u sheegaya oo leh khayraadkii wadankaanu idiin soo saaraynaa intay taldii wadanka maroorsadaan.
 
 waxaynu ognahay in heshiisyada lala gallo shirkadaha shidaalku ay leeyihiin qawaaniin caalami ah oo ayna dhaafi karin oo aduunku isla qaatay
waa qayb uu waajib ka saaran yahay dawlada iyo qayb waajib ku ah shirkadaha shidaalka baadhaya
waxaa loo baahan yahay dawlada iyo shirkadaha ay heshiisyada la gelaan in ay dhawraan qawaaniinta dalka shidaalka laga baadhayo iyo kuwa caalamiga ahba.
inkastoo aynu ognahay in shirkadaha qaarkood ka faa,iidaystaan wadamada burbura iyo kuwa aan xukuumadahoodu wadankooda iyo dadkooda u tudhayn oo ay wax walba u saxeexaan sida kuwan wadankeena  ku soo qulqulaya ee baahideena iyo maamulxumdeena ka faa,iidaysanaya.
sidaas oo ay tahay hadana shirkaduhu waxay shirkii madaxda dalka kuwa ugu sareeyaa fadhiyeen ka cadeeyeen in ay dawlada somaliland heshiiska shidaalka kulla galleen in aaynay shirkadaha shidaalku masuulka ahayn wixii khasaare ah ee soo gaadha dhulka shidaalka laga baadhayo
hadii ay degaan tahay ama dad tahay ama xoolo tahay oo dawlada somaliland u saxeexday.( dawlada somaliland iyaday u taal sidii ay u fulinayso
hadalkaas waxaa shirka ka yidhi ninkii shirkada Genel ugu qayb galay shirkii maalgshiga london  markii su,aal laga waydiiyey arimaha la xidhiidha xuquuqda degaanka iyo environmentga 
wuxuu raaciyey waa taa dawladii iyo madaxdiinii aanu wax kala sexeexanay waa kuwan jooga ee waydiiya arimahaas
wuxuu si toos ah u cadeeyey in aanay wax masuuliyad ah kulahaan doonin wixii shicib iyo dhul iyo degaankaba soo gaadha dawladana ay siiyeen 45milyan  oo aynu ognahay in aanay waxba looga qaban degaanka shidaalka laga baadhayo
waxaynu aragnay dhibaatadii shirkaduhu ka gaysteen deegaanada baki ee gobolka awdal
xukuumada siilaanyo aynu aragnaa  siday masuulitada intaas leeg u qaadaysaa
 
weli laynama ictiraafin dawladuna waa shuraako,beelaha reersomaliland wada samaysteen hadii xukuumadu gabto waajibaadkeedii
waa qasab in reerwaliba dhulkiisa masuuliyadiisa qaado
reerwalba qasab bay ku tahay  in uu xuquuqdiisa iyo degaankiisa  difaacdo inta aynu helayno xukuumada shacabka iyo dhulka u danaynaysa oo aan shandad la meeraysanayn aduunka oo aan ninwalba wuxuu doono u saxeexayn

 

Ahmed Jama 

salamanjama1@gmail.com