Beesha Biimaal Oo ka digtay in Dhibaato ay ka dhacdo Degmada Baraawe

image

Waxaa Maanta oo Isniin ah 06.10.2014 Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose ku kulmay Waxgaradka Beesha Biimal ee Degmada Baraawe.
Kulankan oo saacado badan socday, ayaa waxaa kasoo qeebgalay Odeyaasha dhaqanka Beesha Biimaal ee Degmada Baraawe, waxaana kulankooda uu ku saabsanaa isbadalka ku yimid degmada Baraawe.
Waxgaradkii isugu yimid shirka ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya uga digay in degmada Baraawe ay ka dhacdo dhibaato.
Waxaa kale oo ay sheegeen dadkii ka hadlay goobta in Dowlada Soomaaliya ay qaadi doonto Mas’uuliyadda waxii dhibaato oo ka dhaca Degmada Baraawe, Waxeyna Dowlada Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in degmada ay u tababarto Ciidamo Boolis ah oo deegaanka kasoo jeeda.
Beesha Biimaal ayaa sidoo kale waxey ka digtay in degmada Baraawe loo soo raro dagaalada ka socodo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose.
Ugu dambeyntii waxaa goobta ka hadlay Afhayeenka Golaha dhaqanka Beesha Biimal Nabadoon Ciise Axmed Fanax, waxaa uuna goobta ka sheegay in maalinta berito ah ay la balan san yihiin Saraakiisha Ciidamada Amisom, ayna kala hadli doonan arimo badan oo ku saabsan Isbedelka degmada Baraawe.
Sida lagu wado maalmaha soo socdo waxaa la filayaa in degmada Baraawe ay gaaraan Xildhibaanada Beesha Biimaal. waxaana lagu wadaaa in kulamo ay la qaataan Waxgaradka ku dhaqan Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabeelada hoose.
Howlgaladan Cusub e ka socda Gobolka Shabeelada hoose ayaa wax badan ka badalan kuwii hore, maa daama Ciidamada Amisom ay iska reebeen Maleeshiyaadkii Mooryaanta ahaa ee dhibaatooyinka ka geeysan jiray deegaanada ay la wareegaan Ciidamada Amisom.

Salaanmedia/Mogdisho