Breaking News: Faizal Cali Waraabe oo Xisbigii UCID kaga iibinaya wasiir Xirsi ( $2 Million + Guri )

FAYSALOS

Maan yaabin markaan ogaaday in xisbigii Ucid Faizal Cali Waraabe seylada dhigay oo uu ka iibinayo wasiirka madaxtooyada Wasiir Xirsi,qiimihiisuna yahay $2 Million iyo Guri,  sababtoo ah, horta sida la wada ogyey xisbigii Kulmiye magaciisa uun baa jira ee taageera yaal ma heysto uu saaxada siyaasada wuu ka duu-duubtay. Dabeed waxay noqotay in Faizal oo seylada taagan lagu baayaco lagac laba million oo dollar iyo Guri ah. Faizal na lacagta kama tagee keena buu yidhi waan aqbalay e. Faizal marnaba raali kama ahayn in Ucid cid kale iska soo sharaxdo oo caqli xumo wuxuu ka qabo wuxuu doonay isaga oo laba jeer musharax nimo madaxweyne ku saaqiday in uu mar sadexaad is sharaxo. Markii Ucid looga yaacay na wuxuu ku tashaday in uu iskaga shaqeysto xisbiga kol haduu mudo 10 sano ah heysto oo kolba wadan u duulo oo lacag ku urursado. Halkaa marka arin maraayo ayuu maanta sicir aad u sareeya kaga helay wasiir Xirsi oo halkaa ayaa heshiis ku dhex maray in xisbiga laga iibiyo wasiirka madaxtooyada oo  lacag intuu doono heli kara.

Hadaba waxa la sheegayaa xisbiga musharax nimadiisa iyo gudoomiye nimadiisa in mar la wada wareejinayo oo aannu Fazal gudoomiye ka sii ahaan doonin si aannu mar sadexaad u iibin karin. Xirsi oo ah tuulo joog-foosta riix-xariif ah ayaa yidhi musharaxa madaxweyne iyo gudoomiya nimada labada soo wareeji markaad lacagta qaadato weli se arinkaa la islama wada qaadan oo Faizal wuxuu quud dareynayaa in gudoomiye nimada uu sii heysto oo aad dhana ka moodo in ay xisbiga u dantay si beesha Faizal uugu sii jirto dhana aan iibka xisbigu meel uu ku dhamado yeelanayn kol hadii weli Faizal gudoomiye ka yahay. Kol hadii Kulmiye dhabihii UDUB qaaday UCID na seylada la soo dhigay oo Jamaal Cali Xussien na meel uu u raaco dhaqaalihii kaga baxay aannu garanayn waxaynnu eeg naa ba waa sheekooyin cusub oo soo baxa oo madaxa daalinaya. Talada lagu iibsanayo Ucid cida Xirsi ku wehelisa iyo baaxaa dega Jamaal Cali Xussien iyo beelaha ku kala baxay Kulmiye kala socdo qoraalka danbe.

by Abdi Mustafe  

abdi_mustafe123@yahoo.com