Caaqil Cabdiraxmaan Xassan Xaaji “Dhulka Tiyaatarka Hargeysa Waa Mulki Beeli Leedahay, Sharcigiisuna Uu Leeyahay Ganacsade Cumar Caydiid. Dhul Boob Iyo Fidnada La Raadinaayana Ha Laga Waantoobo,Nabaddana Ha la Ilaasho.

image

Jimce, October 3, 2014 Hargeysa(SM)-Waxan Maanta Warbaahinta Dalka ka soo Baxa Qaarkood ka Halacsaday Qoraal uu ku Aaxeexnaa Maayorka Hargeysa, Ref: XDH/H 4 S/ 2014 Uj: Baneyn Dhul.

Hordhac:
Magaca Beeleed oo Midaysan, Magaca Beeleed oo Gaf iyo Gardaro soo Noqnonaysa Tirsanaysa, Waxan Shacabka Somaliland ee Nabadda Jecel, Shacabka Somaliland ee Xalaal Maalka ah aan u Sheegayaa, in aanu Jirin Muran iyo Khilaaf Dhulka Tiyaatarka Hargeysa!! Dulka Tiyaatarka Hargeysa Waa Mulki Beeli leedahay.

Habka iyo Nidaamka Dawladnimo ee inoo Dhisan ayaa Dhawraysaa Xuquuqda uu Muwaadinku Dalkiisa uu ku leeyahay, Isagana Faraysa in Sharciga iyo Distoorka Dalka uu Ilaaliyo. Waxa Baryahan Siiba intii Xukuumaddan Maanta Dalka Ka Talisaa Zimaamka Dawladnomo ay Gacanta ku Qabatay in Dhul Boobka iyo Musuqu Xadhkihiisa soo Goostay.

Dib-u-Eegid iyo Falamqeynta Qoraalkii Maayarka Hargeysa:
Ku : Ganacsade Cumar Caydiid Hargeysa
Og : Suldaan Saleebaan Boqore Hargeysa
Og : Suldaan Cabdiraxman Aw Good Hargeysa
Og : Wasiirka Arrimaha Gudaha Hargeysa
Uj : Baneyn Dhul
Waxan Kula Socodsiinayaa Barxadda u Dhaxaysa Tiyaatarka iyo Dawladda Hoose oo uu Madaxweynaha JSL Siiyey Labada Suldaan ee Sare ku Xusan, Sharciyaddii Lahaanshaha Dhulku u Dhamaystiran Yahay, Amarkii Wasiirka Arrimaha Guduhu ku Fasaxay Dhawaan Fulimaha, una Baahanyihiin in ay Wax Qabsadaan, Adigana Alaab Ku Taal.

Sidaa Darteed waxan Kula Socodsiinayaa in Muddo 15 Cisho Gudahood aad wixii Agab ah ee ka Yaal Halkaasi oo aad u Faro Badan aad ka G.urato, si aan Adna wax Khasaare ahi kugu Dhicin, labada SuldaanaDhismahooda u Dhistaan.
Allaa Mahad Leh
Duqa Caasimada Hargeysa ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaan Hargeysa..

Falanqeynta Qoraalkii Maayorka Caasimada Hargeysa:

1 ) Magacaa Madaxweynaha JSL Mud. Axmed Maxamed Maxamuud, Magaca Qaranka Shacab
ka Somaliland oo Qiimo iyo Qadarin aan u Hayo, Mudane Sacaadatui Ra’iis, Aniga oo
Tixgelinayaa iyada oo Kalsooni & Raad Raaca Lexejeclo ee Dalkaaga aad u Hayso aan ogahay,
Wavan kaa Codsanayaa im aad Dib-u-Eegid aad ku Samaysid Qoraalkan ka soo Baxay Xafiiska
Duqa Caasimada Hargeysa ee Amarka Fulinteeda uu Soo Bixiyey Wasiirka Arrimaha Guduhu,
Laguna Suntay in Madaxweynaha JSL Mud. Axmed M. Maxamuud uu Barxadda uu Dhaxays

Dhulka Tiyaatarka iyo Dawladda Hoose uu Madaxweynuhu ku Wareejiey labada Suldaan.
Mudane Madaxweyne Dhulkan Tiyaatarka iyo Barxadaba oo Sharcigeeda Lahaansho, Warregto
Madaxweyne uu Ku Mulkiyey Ganacsade Cmar Caydiid.
Mudane Madaxweyne Dhulkan Tiyaatarka ee Amarka Fulinta 28 ´kii September 2014 kii lagu
Wargelinaaya Ganacsade Cumar Cayddid, Waxan kugu Wargelinayaa in Muddo laga Joogo 3
Sanno, in Hormoodka iyo Hoggaan Dhaqmeedka Beelaha Mulkiilaha Dhulka iyo Niman
Sheeganaayey.Heshiis iyo Sulxi Wadajir ah ay ka Gaadheen oo Magac Maamuus Beelo ah lagu
Xalilay laguna soo Afjaray Mushkuladdii Dhulkaa Tiyaatarka.
Mudane Madaxweyne ka Muwaadin ahaan waxan ku Weydiinayaa Sababta Dib u soo Celisay
Maanta Arrintii Xalinteeda ay Beeluhu Ka Arrimiyeen!!!
Mudane Madaxwayne Codsi & Tixgelin: Waxan kaa Codsanayaa Dib-u-Eegid in aad ku Fiirisid
Aniga oo lexejeclaysanaaya Nabadda Iyo Horumarka Dalkayga..

2 ) Labada Suldaan Midh Baan Idhi, Midna Waa Iga Su’aal:
Ixtiraam iyo Qadarin ayaa Title ka Suldaanimo oyo Magaca Beelhaha idm Caleemo saarayba
Mudan yihiin. Waxan taydan Tayda iyo Tiinaba aan ku Adkaynayaa oo aan Farayaa, in Masal
iyo Ku Dasho aa u Noqotaan Bulsho Weynta Somaliland, Magaca Madaxnimo ee HuwanThiina
Nusqaanta Ka Dhawrtaan!!! Dhulkamn Tiyaatarka ee Saxeexa la idinku soo Duugay, waa Sifo
Nooceya, Haddii Mulkiyadii Dhula oo Nin Muwaadini uu leeyahay, Haddii Dhulka Barxaddu
uu yahay Baarkinkii Dhimaha Tiyaatarka!!! Cumaamadda Hoggan Dhaqmeedku Waa Nabad.
Labada Suldaan Waxan uga Digayaa in aanay Cumaamadda Saaran iyo Title ka Huwan Yihiin,
in ay u Adeegsadaan Damac Dhul Boob iyo Fidno ay ka dhex Shidaan Beelaha Walaalaha ah.

3 ) Duqa Caasimadda Hargeysa iyo Golaha Deegaanka:
Waxa Ayaan Darro ah in Shacabkii idin Doortay uu Ku Hungoobay Naruuradii iyo Saadaashii
uu idinku Doortay, Waxan ka Mid ahaa Mawaadiniinta Saluugga ka Muujiyey Da’da lagu Sar
Gooyey Xildhibaanka Golayaasha Deegaanada Dalka. Doorashada Xildhibaanada Golayaasha¨
Deegaanku, Waxay in aan la Siyaasadeyn, Waxay ahayd in laga Dheereeyo Damaca Siyaasiga
Sedbursiga rabay, Hadduu ahaa Xisbul Muxaafid ama Xisbul Mucaarid!!!!Da’da loo Sharci
Golaha Deegaanku Waxay ku Habooneyd Golaha Siyaasadda Qaranka (Golaha Barlamaank).
Waxaynu Taariikhda ku Xusi doona, Khaladka Dalka laga galay ee Shacabka Somaliland loo
Hadoodilay ee Damaca Siyaasadeed loo soo Xidhay!!!! Golayaasha Deegaanada Maanta iyo
kii ka Horeeyey Shacabka Kala Saari oo aan u Dhaafayaa!!!! Waxa iga Qaldan, Waxa iga
Qasan oo aan Xasuusan Waayey, Goorta ama Xiliga Ereyga la yidhaahdo ,, Danta Guud ,, uu
ku soo Biiray Afka Somaliyeed oo keliya laga Isticmaalo Kaamboolka Dawlad Hoose Hawsheeda
ama Maamulkeeda lagu Hayo!!!!!

4 ) Golaha Siyaasadda ( Barlamaanka ):
Baarlamaankii aynu Dooranay wuxu u kala Jabay Muxaafid Gacantiisa u Taaga oo Meel loo
Dhigo Qadar Bakhshiish ah ama Dawladaha Hoose Dhulka Ummadda wax looga Boobo iyo
Mid Mucaarid ku Malafsi iyo Qadhaab doonto, Kolku Shaadhku Kululaadan ,, Duudub ,, Wax
Wato lagaga Saxeexdo, isana Faro Madhnaan aan ku Dhicim.

5 ) Golayaasha Fulinta:
Golaha Wasiirada, Agaasimayasha, Maareeyayaasha iyo Dhammaan inta Wareegto lagu
Magacaabay oo ah inta Xilalka Haysa oo ah inta Qaranumada Xilkeedu Saaran yahay, Xilku
waa Wareegto!!!! Inta uGu Badan ee Farta lagu Godayaana, Waa Idinka!!!!Dalkani waxa uu
uu Soo Maray tan iyo intii aynu Gooni Isu Taagnay, Maraaxil Badan oo Masuulka,Xil Hayaaba
uu Sidu Doono uu Sharciga u Toocsado isag oo ka Faaideysanaaya Kursiga iyo Qalinka & Xilka
uu Hayo, Wax Walbana u Fulinaaya Danihiisa Gaar ah si uu ugu Dheganaado Booskiisa, Waa
Naafeysa ee Dib u Dhaca ku Keentay Horumarkii iyo Himilooyinka aynu Beegsaneynay. Haddii
Haq Soorka iyo Cadaaladda loo Sinaan Waayo, Haddii Tacadiga iyo Dulmiga la Joojin Waayey,
Haddii Cadaalad la’ aan Amar iyo Fulin iska Bixiyo, Wasiiro Madluunkuna Beel bu Moqon,
Adna Reer Hebel Baad Noqon!!! Xilkuna Waa Meerto.

Gabagabo:
Dhulka Tiyaatarka Hargeysa waa Mulki Beeli Leedahay, Sharcigiisuna uu Leeuahay Ganacsade Cumar Caydiid. Dhul Boob iyo Fidnada la Raadinaayana Ha laga Waantoobo,Nabaddana Ha la Ilaasho.
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika Sweden