Cali Warancade Diiwaan gelintiisi fashilantay ee shantii million uu ka ururiyey gunada Mayarada ha u celiyo oo ha joojiyo habdhaqanka nabad-sugidii uu ahaan jiray by Abdi Mustafe

Daawo Muqaal…Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ka waramaaya arimo badan oo ku saabsan amaanka iyo shirar dhawaan dalka ka dhacaayey.

Cali Warancade mashruucii diiwaan gelinta uu is lahaa million ama laba ayaad ka dhex siibi socon waa. Sidii berigii uu madaarka Hargiesa labada doolar saartay ayuu iminkana is lahaa afar doolar saaro qofkii is diiwaan geliyaba, hase yeeshee qalabkii diiwaan gelinta wuu shaqeyn waayay oo tayada ayaa hooseysa ileyn waa wax lacag lagu lunsanayaa haday qandaraaska cida la siiyey tahay iyo Caliba. Sirma qaba allow sahana.

Cali haduu is yidhi aad dhacdid bulshadan saadada ah ee haday cadhoodaan cabatin kooda carshiga laga soo aqbalo weli muu baran ummad shiekh iyo shariif ba le in aannu khiyaamayn karayn isagoo nabad sugidii afweyne ahaa oo subax walba soo tebin jiray war beena oo qof muslim ah lagu wax yeeleynaayo. Cali Warancade xitaa Xajka tag isma yidhaa oo quus buu ka joogaa in dunuubtii uu galaya laga maydho, sababtoo ah wuxuu ka shaqeeyey wax yeelada reer waqooyiga siiba Isaaqa oo sababta Ahmed Suleiman Dafle oo uu abti u ahaa uu nabad sugid uuga dhigay baa ahayd in uu reer waqooyiga dabar jaro.

Mudo dheerna wuxuu ka shaqeeyey dhibaatadii dadka ka soo gaadhay kacaan kii Siyad Barre. Silaanyo oo isba ardeygii Siyad Barre ahaa ayaa garan kara in Cali loo adeegsan karo wax yeelada shicibka. Hadaba diwaan gelintii ilaahay wuu ka shifay oo Hargiesa wey ka socon weyday oo ilaahay baa dadkan ilaashanaya ee Cali Warancade dadka hadimada ha ka daayo. Cali Warancade wixii uu lacag ka urursaday ilaa dowladaii Egal, Ryaale iyo tan maanta joogta waxaan hubaa inay ku bixi doonto caafimaadka Cali Warancade oo kolba meel loola carari doono ee midhkaa shicibku ha iga qoro.

Cali intuu denbiyo waaweyn faraha la galay waagii afweyne oo hadana sadex dowladood oo Somaliland ah wasiir ka soo wada noqday ha u fadhiyina in uu si dhib yar aduunka kaga tago. Cali haduu dhibaatada ummada ka deyn waayo ilaahay cimriga ha u soo gaabiyo si muslimiintu uuga nabad gasho.

 

by Abdi Mustafe  

abdi_mustafe123@yahoo.com