Cali Warancade oo la filayo in xilka laga qaado ka dib markii diiwaan gelinti fashilantay uu dhalinta is bedel doon ka ah na wax ka qaban kari waayey by Abdi Mustafe

maqaal
Wasiirka arimaha gudaha Cali Warancade ayaa si xooga looga hadal hayaa madaxtooyada in xilka laga qaado.
Cali waxa aad uuga cadhootay marwada Amina Weris oon u adkeysan marka ay ka shikado in xukunku ka wareegi karo ayaa Warancade ku heysata maxay diiwaan gelintii madaniga ahayd ee loogu tala galay in ta doorashada la isku hor taago ay u fashilantay. Waxa kale oo Amina ay aad uuga biya diiday dhalinyarada is abaabushay ee is bedel doonka ah oon wax is hor taagi karaa jirin xawliga ay ku socdaan. Xan fara badan oo madaxtooyada ka soo burqanaysa ayaa sheegaysa in Cali Warancade xilka dhoqso looga qaadi doono.
Isku soo xoori oo Cali Warancade busti hiisu waa dibada sartuna waxay ka qudhantay wuxuu baajin kari waayey doorashada madaxweynaha wuxuuna is hor taagi kari waayey dhalinyarada is bedel doonka ah oo haduu u dhawaado ama badooda uu galo aan la arki doonin meel uu Cali Warancade jaan iyo cidhib dhigay. Amina Weris waxay caan ku tahay haday dareento in qasriga madaxtooyada laga riixayo ma seexato oo lacag iyo fal iyo sixr ba wey adeeg sataa. Xan aad xoog weyn oo kale ayaa waxay sheegeysaa in madaxtooyadu u aragtay Cali Warancade nin jeebadaha buuxsaday oon Amina Weris waxba ka siin oo waa arinka sadexaad ee uu xilka ku waaya yo. Waxa kale oo madaxtooyada dareen ka galay in Cali warancade uu xog badan siiyo xisbiga Waddani oo ay heyb ahaan isu dhaw yiin gudoomiye Ciro. Waxa keliya ee la sugayaa waa inta Cali laga soo wareejinayo shan million oo dollar oo laga soo ururiyey gunadii maayarada oo loogu tala galay diiwaan gelinta oo Cali gacanta ku hayo. Cali waxa kale oo aad looga sii raacay wuxuu isku deyey in uu kala dhex galo Amina Weris iyo Xirsi oo wuxuu aad uugu dhaw-dhawaaday Amina. Dabeed Xirsi oo aad uuga dhisan Silaanyo oo mu-aamarad badan baa dhinaca Silaanyo kaga soo wareegay oo Cali laad-laadinaya.
Silaanyo iyo Qoys kiisu intay ku hamiya yeen inay muda xileedka korodh sadaaan ee ay diida naayeen in doorasho qabsoonto ayaa deeq bixiya yaashi u arkeen in Somaliland lagu dari karo Somalia. Gun nimadaa waxa dalka gaadh siiyey qoom wax booba mooyaane aan danayn masiirka Somaliland oo ah Silaanyo iyo Qoys kiisa. Somaliland godka ay ku dhacday waxa ka mas uula Silaanyo iyo qoyskiisa iyo guulwadayaasha ku xeeran