Cambaarayn Xadhiga Mudane Xasan Axmed Goodaad iyo weriye Mukhtaar Nuux Ibraahim.

Waddani

Waxaan si adag u cambaarayn Xadhiga Mudane Xasan Axmed Goodaad oo ah Xogahaya xanaanada Xoolaha ee Xisbiga waddani iyo Weliyaha horn cable TV ee magaalada Gebilay Weriye Mukhtaar Nuux Ibraahim.

Waxaan aad u cambaaraynayaa xadhiga xaqdarada ah ee lagula kacay Masuulkan sare eek a tirsan madaxda Xisbiga Waddani iyo Weriyaha Horn cable TV ee Gebilay.

Mudane xasan waa madaxda sar-sare ee xisbiga Waddaani waa ragga aad iskaga soo horjeedaan siyaasadda ma waxaad ka filayseen in uu idin amaano, maxaad u gubanaysaan ee ciidanka qaranka u adeegsanaysaan marka ceebta aad dalka ka wadaan la sheego.
Waxay u egtahay inxukuumadu in ay cagta saartay wadadii burburka iyo kelitalisnimada ee cidii wax aan xukuumadu jeclayn tidhaadaba xadhiga iyo Xabadda lagala daalayay. Hady Xukuumadu sidaa dan-mooday oo shaydaan jidkaa u qurxiyay, bal ha eegto kuwii shacabkooda xadhiga iyo xabadda kala daalay halkii ay ku dambeeyeen, mee Qadaafi, mee Xusni Mubaarak, mee siyaad Barre, mee……
Waxaan idin waydiinayaa intee in leeg oo shacabka, saxaafadda iyo madaxda mucaaradka ah ayaa xidh xidhi doontaan ilayn umaddu kama aamusi doonto in ay sheeegaan sida aad wadanka u xaraashaysaan, musaqa iyo qabyaaladda aad dalka wadaan, boobka hantidii guud lagu hayo iyo dulmiga iyo cadaalad darada umadda lagu hayo. Ma laga ayaabaa sidaa isu leediin kanna xidh kanna aamusii in aad jarkii ay ka dhaceen dictators kii aduunka soomaray aad ka dhacdaan.
Waxaanu idin leenahay waar hoy jooga, waxan idiin muuqda ee aad rabtaan inaad xoog ku gaadhaan waa dhalanteedkii ragii hore ku lumay. Hoy jooga oo waddankaa yare ee curdinka ah ee mudada badan lagusoo tabcayay ha inaga baabiinina.
Miyaa ilawdeen shacbakani ka uu yahay, miyaa ilowdeen in shacabkani wixii uu ka dagaalamay ee ay u burburen caasimadihii dalka ee nafta loo huray in uu ahaa DULMI DIID. Sidaa ugu fekeraysaan in idinka la idinka ogolaado dulmi kii oo kale.
Waxaan idin leeyahay si deg-deg ah u soo daaya madaxda iyo suxufiyiinta idiin xidh-xidhan wadankana hadii ay daan maamuli garanayn iskaga taga dhib intaa ka badan umaddu ma qaadi kartee.
Allaa mahadle

Maxamed C/llaahi ciise
Xubin Gudiga Arimaha debedda ee Waddani