Caqliga ma gasho Silaanyo wuu kaambayn garayn karaa ee talow ma shaydaan baa u kaambayn garayn doona xiliga doorashada by Abdi Mustafe

MAQAAL
Cidna caad kama saara in aan Silaanyo awood uu kaambayn ku galo xiliga doorashada aannu lahayn. Hadana doorasho ayaa la hadal hayaa. Haday doorasho qabsoomi weydana midnimada Somaliland mugdi bay geleysaa oo waxay noqonaysaa in Xamar lagu daro dalka. Haday dhacdo in Silaanyo doorasho qaban waayo dadka ayaaba u hanqal taagi doona in Xamar lagu biiro sababtoo ah diktator wey ka soo daaleen. Deeq bixiya yaashuna waxay diyaariyeen qarashkii lagu geli lahaa doorashada oo hadii la qaban waayo wey la noqonayaan oo waxay lacagtaa ku deeqayaan siday yidhaahdeen dowlada Xamar oo 2016 doorasho geleysa. Hadaba sua’ashu waxa weeye Silaanyo itaal uuma hayo in uu doorasho galo oo kambayn sameeyo ee xeelada qarsooni maxay tahay mudo kordhisna cidi ka yeeli meyso oo dalka la baabiin maayo e.
Xaalka silaayo sidii gabayaagii caanka ahaa ee Salaan Carabay yidhi kale weeye”
Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye
Lafta dhabarka lixaadka i debciyo laafyihii gacanta
Liiq liiqad baan ahay sidii lulo dabayleede
Abwaan Qassim na wuxuu yidhi sidan:
waxan socodka biiftaamin jiray waa bess taladaye
beryahaaba dhabarkaan barkimo buurun ku yahaaye
Waxa muuqata in Somaliland iyo Silaanyo ay leg damayaan oo ay Amina Weris na lugta heyso Somaliland si odeygeeda uu Somaliland u legdo oo ay iyadu u sii xukunto wadanka. Amina Weris waxaan leeyey afar sano iyo dheeraad baad dalkan xukumaysay oo Silaanyo dawo ku nool ahaa shicib kuna wuu ogyay arinkaa. Dib lagaaga aqbali maayo inaad kolba irbad dhowr saacadood shaqeysa ku soo talaasho odeyga adigaa ka dhigaaya in uu caafimaaf qabo. Soo fadhiisi oo sadex sua’alood oo keliya ha ka jawaabo. Waa la ogyey in aan Silaanyo meel lagu socdo iyo meel laga yimi toona aannu xasuusan karin sua’alna ka jawaabi karin ee ka duu duubo dadku caamo maaha ee way kaa horeeyaan e. Odey aan caafimaad qabini Somaliland u talin maayo …. Cadee in uu caafimaad qabo …