Ciid Wanaagsan Ururka xidhiidhiya bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Societies in Europe)

Taariikh: 03/10/2014
Tixraac: SSE/Fr –b/009

images

Ciid Wanaagsan

Ururka xidhiidhiya bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Societies in Europe) wuxuu dhammaan bulsho-weynta Islaamka, gaar ahaana dadka reer Somaliland dhambaalkan idiinku soo gudbinayaa munaasabada Ciida Al Adxa oo ku began maalinta Sabtida ee 04 Ta Oktobar 2014.

Ugu horreyn Ilaahay ayaa mahadi u sugnaatey iyadoo dalkeena iyo dadkiisuba ay ku ciidayaan nabadgelyo isla markaana farxada ciidu ay inoogu soo galeyso inagoo ku sugan xasilooni iyo deganaansho. Guud ahaan dadka reer Somaliland mid dalka ku nool iyo mid qurbaha ku suganba waxa ururweynaha SSE idiinku boogaadinayaa munaasbada ciida oo aanu idiin rajaynayno inaad ku ciidaan jawi farxadeed oo uu weheliyo caafimaad qab iyo raynrayn.

Waxaanu mar labaad idiin soo gudbinaynaa hambalyo diiran oo aanu idin leenahay farxad iyo qalbi furan ku ciida. Munaasabada ciidan ayaynu Ilaahay ka baryaynaa in goobaha aynu ku kulmayno jawigooda iyo qaabka aynu u ciideynaa uu inoo noqdo mid kheyr iyo wanaag uu weheliyo. Sidoo kale Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inuu ciida dambe inagu gaadhsiiyo wanaag, nabad, barwaaqo iyo Somaliland oo aqoonsi ka hesha bulshada caalamka.

Munaasbada Ciida darteed ayaanu dhammaan dadka reer Somaliland xasuusinaynaa in Ilaahay inagu manaystay dal ay tahay inaynu ku faro-adeygno qaranimadiisa iyo dowladnimadiisa. Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inuu inaga yeelo kuwo fahma nicmada la inagu galadaystay isla markaana adkeysta xornimda iyo nabada oo ah waxyaabaha ugu mudan ee mahuraanka u ah jiritaanka umadeed.

Walow ay marwalba jiraan waxyaabo badan oo inaga qabyo ah ayaa haddana urur Weynaha SSE wuxuu mar walba xukuumadda iyo shicibka reer Somaliland kula talinaynaa in aan marnaba la sahashan qiimaha ay inagu kacdey qaranimada iyo xorriyada aynu maanta dugsinayno isla markaana wax walba laga horumariyo sidii loogu faro adeygi lahaa ilaalinta danta guud. Waxa naga xasuusin ah in  hannaanka geedi socodka Somaliland uu weli marayo marin dhib badan oo ka gudubkiisu u baahanyahay isku duubni, adkeysi, dulqaad iyo shaqo ku salaysan xirfad iyo hawlkarnimo. 

Ilaahay ayaynu ka baryaynaa tallada toosan.

Mar kale ciid wanaagsan iyo hambalyo diiran oo aanu idin leenahay ku ciida caafimaad iyo farxad.