Ciidamada Amisom iyo kuwa Jubba oo isku dhinac ah & Shabaab oo dagaal culus ku dhexmaray duleedka Kismaayo

imageimage

Xilli saaka ciidamada Maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa Amisom ay ka dhaqaaqeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, una ruqaansadeen dhanka Gobolka Jubbada dhexe, ayaa ciidamo ka tirsan Al Shabaab iyo kuwa Jubba dagaal culus wuxuu ku dhexmaray duleedka Magaalada Kismaayo.

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Shabaab ay wadada u galeen ciidamada Jubba iyo kuwa Amisom, wuxuuna dagaalka xoogiisa ka dhacay, Buulo Gaduud, Yoontooy iyo deegaano kale oo Kismaayo hoostagga.

Ciidamada Jubba iyo kuwa Amisom oo watay gaadiidka dagaalka ayaa iska caabiyay ciidamada Shabaab ee wadada u galay, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Mid kamid ah gaadiidka ciidamada Maamulka Jubba ayaa waxaa haleeshay miinada nooca dhulka lagu aaso, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay gaarigaasi miinada lala eegtay.

Sidoo kale lama haayo tiro rasmi ah oo ku aadan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalkaasi, maadaama xogta dagaalka laga helaayo ay tahay mid aad u kooban.

Afhayeenka Maamulka KMG ee Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax, ayaa sheegay in ay la wareegeen deeganadii lagu dagaalamay ee Buula-gaduud, Yoontoy iyo Koban wuxuuna sheegay inuu dib kasoo sheegi doono khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalkaasi.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay ayaa hada degan, ciidamada maamulka Jubba ayaa ku sugan deeganadii lagu dagaalamay, halka Shabaabkii dagaalka soo qaadayna ay u carareen dhanka duurka.

Salaanmedia/Migdisho