Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Amisom oo goor dhow la wareegay Degmada Cadale

image

Ciidanka Xooga Dalka oo ay barbar socdaan Ciidamada Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa waxay goor dhow la wareegeen gacan ku haynta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada, ayaan wax iska caabin ah kala kulmin Xoogaga Ururka Al Shabaab, kuwaa oo baneeyay Degmadaasi, markii ay garowsadeen in boqolaal askari oo wata dabaabaadka dagaalada ay kaabiga ku soo hayaan.

Ciidamada Huwanta, ayaa Degmada Cadale gaaray xilli inta badan dadkii degganaa ay isaga baxaan, markii ay Shabaabku amrayn inay ka barakacaan guryahooda, inta aynaan la wareegin waxa ay ugu yeereen cadowga.

Tiro yar oo ka tirsan dadka reer Cadale, ayaa ku haray Degmadaasi, waxayna xilligaan baaqi ku yihiin guryahooda, iyagoo dareen ka muujinaaya cudada Ciidamada Huwanta ee qabsaday Degmadooda.

Sidoo kale Ciidamada Huwanta, ayaa waxay gaareen deegaanada Xaaji Cali Koogar, Cadow Uul iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow, waxayna weli ku sii siqayaan dhulkii ay mareen Shabaabkii isaga baxay Cadale.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro, ayaa waxa uu xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ay bilaa dagaal ku qabsadeen Degmada Cadale, iyadoo Talaadadiina ay bilaa dagaal kula wareegeen Degmada Raage Ceele.

Ciiro oo aysan wax saamayn ah ku yeelan isbedelka lagu sameeyay Maamulkii hore ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa Shabaabka ku dhaliilay inay dadku ku khasbayaan in ay guryahoodu isaga barakacaan.

Ciiro oo u waramay Dhacdo.com, ayaa hoosta ka xariiqay in qorshaha Ciidamada Dowladda iyo Amisom uu yahay, in Shabaabka laga wada saaro dhammaan dhulka ay ka jooggaan Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu yiri.

Salaanmedia/Mogdisho