DAAWO MUQAAL…Madaxweynaha Somaliland Oo London Kula Kulmay Wasiirka Britain U Qaabilsan Horumarinta Caalamiga Ah

DAAWO Madaxweynaha Somaliland Oo London Kula Kulmay Wasiirka Britain U Qaabilsan Horumarinta Caalamiga Ah

yaa

yaaOct 16, 2014 London(SM) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa maalmahanba Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa shalay galabnimadii la kulmay wasiirka Horumarinta caalamiga ah Ms. Lynna Featherstone.

Kulankan oo ahaa mid ay ku lafa-gureen labada dhinac wada shaqaynta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska doorkii muhiimka ahaa ee ka dowlad ahaan ay Ingiriisku ka qaateen shirkii maalgashiga Somaliland ee ka qabsoomay magaalada London maalintii Salaasadii ee taariikhdu ahayd14 Oct,2014, caalamkana ku tuseen in dalka somaliland yahay dal la isku halayn karo lana maalgashan karo sidoo kale waxay ka wada hadleen mashaariicda lagu horumarinayo Jamhuuriyada Somaliland ee ay dowladda Ingiriisku maalgaliso, sida SDF, BFM iyo Tababarka ciidamada aminiga.

dhinaca Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska Ms. Lynne Featherstone, ayaa iyaduna ku amaantay Somaliland horumarka ay ku tallaabsatay, waxaanay ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay u fidiyaan Jamhuuriyada Somaliland ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

Kulankan waxa ku wehelinaayey Madaxweynaha JSL.
1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda JSL. Mudane Maxamed Biixi Yoonis

2. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan

3. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire

4. Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska, Ambasador Cali Aadan Cawaale

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

London-UK