Daawo Muqaal…Labadii Weriye Ee Shalay Lagu Xidhay Xabsiga Magaalada Ceerigaabo Oo Xoriyadoodi Dib U Helay

unnamed (1)

Ceerigaabo (SM) Labada Weriye Oo Mudo  Saacado Xadhigoodu Qaatay Ayaa Dib Xoriyadoodi U Helay Waxayna Kala Ahaayeen  Maxamed Yuusuf Bakayle iyo Barkhadle Maxamuud Geeddi oo maanta Duhurnimaii  ay booliska Ceerigaabo xabsiga u taxaabeen

Ayaa Kadib Markii La Soodaayay Waxa Xafiiska Shabakada SanaagMedia Nagu Soo Booqday Weriye Barlhadle Maxamuud Geedi Oo Ka Mid Ahaa Labadii Weriye ee Maanta La Xidhay Ayaa  Waxa Aanu Waydiinay Sababta Lagu Qoonsaday Ee Ay Jeelka Ku Mutaysteen

Waxana Uu Noogu Jawaabay :   Maanta Duhurkii Anigoo Jooga Gurigayga Oo Ayaa Boolisku Igu Soo garaaceen Kadibana Waxa laygu Jidhi Fuul Gaadhiga Markaan Idhi Maxaa Jirana Waxay yidhaahdeen Waad Oganay Ee Fuul  Sidii Ayaan Xabsiga Ku Tegay  Intii aan Xabsiga Ku Jira Oo 4 Saacadood Ahayd Ayaan waxba Naloo Sheegin   Iyada oo Aakhirkiina Nala Soo Daayay

Xadhigan Weriyayaasha Ayaa Waxa Uu Imanayaa Xili Ay Maalintii Shalay Ahayd dadweynaha Reer ceerigaabo Ka Ururiyeen Afkaarta Ay Ka Qabaan Golaha Degaanka Degmada Ceerigaabo Iyaga oo  Dadweynuhu Aad U Dhaliilay Xildhibaanada Golaha Degaanka Degmada Ceerigaabo.

Salaanmedia/Ceerigaabo