Daawo Muqaal iyo Sawiro…Magaaladda Baraawe ee Somaliya oo Aljazeera warbixin kasoo diyaarisay,Sawiro iyo qaabka loo qabsaday….

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda shalay waxa ay ula wareegeen Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose kadib markii ay halkaasi isaga baxeen Dagaalyahandii Al-Shabaab ee maamulayay.

Xaalada Magaalada Baraawe ayaa ah mid ka duwan sidii ay sanado badan aheed , waxaana hada laga dareemayaa isbadal maamul , waxaana aad u yar ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa ka jira Magaalada.

Saraakiisha Dowlada iyo kuwa AMISOM waxa ay sheegeen in Magaalada Baraawe ay si buuxda gacanta ugu hayaan iyagoona ku hanjabay in Howlgalka Badweynta Hindiya uu sii soconayo ilaa ay kasoo afjaraan jiritaanka Al-Shabaab.