DAAWO MUQAAL…Nin Soomaali ah Oo Sheegay inuu qaatay Diinta Shiicada iyo Madaahibtooda.

Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Cali kana soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay inuu qaatay Diinta iyo madaahibta Shiicada, ka dib markii uu ku noolaa waddanka Ciraaq in ka badan 11 sano, uuna la kulmay culimo shiico ah oo fahansiisay Diinta Shiicada.

Dhinaca kale intuu suu Suniga ahaa mar uu xajka tagay ayuu sheegay inuu soo arkay dad Shiico ah oo xajka gudana markaasna uu isweydiiyey farqiga u dhexeeya Shiicada iyo Suniyiinta, taasina ay ku kaliftay inuu baaritaan ku sameeyo oo uu aad u doon doono akhbaarta dhabta ah ee shiicada.