Daawo Muuqaal “Wiil(Inan) Somali-American ah oo ka hadlay sababta ku kaliftey in uu ka Mid noqdo Ururka ISIS!!

Wiil Somali-American ah oo ka mid ah jabhada ISIS ee dagaalka kula jirta dowlada dalka Siiriya ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay sababta ku kaliftey arintaas iyo fikradiisa ku aadan weerarada joogtada ah ee ay ku hayaan diyaaradaha dalka Mareykanka asagoona eedeyn balaaran u soo jeediyey dowlada dalka Mareykanka oo ku sheegay inay dileen qaar badan oo ka mid ah asxaabtiisa islamarkaana uu asagana ka badbaaday weerarada diyaaradahaas.

Wiilkaan Soomaaliga ah oo magaciisa ku sheegay in lagu magacaabo Ibna Zubayr oo horey ugu noolaan jirey dalka Mareykanka islamarkaana ahaa ardey ayaa mudo ka badan 2 sanandood waxaa uu ka mid yahay jabhada lagu magacaabo Al Nusra, Wiilkaan ayaa waxaa uu sheegay inuu difaacaaya walaalaha muslimiinta ah ee dagaalka kula jira dowlada dalka Siiriya ee uu hogaamiya Bashar Al asad , Wiilkaan Soomaaliga ah ayaa waxaa uu sheegay inay weerarada cirka ah ee ay diyaaradaha dalka Mareykanka ay ku hayaan jabhada ISIS ay ku dileen qaar ka mid ah asxaabtiisa oo ay meel wada seexan jireen islamarkaana ay meel wax ku wada cuni jireen asagoo sidoo kalena sheegay inuu asagu uu ilaahay ka badbaadiyey weeraradaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo wiilkaas Soomaaliga ah ee heysta dhalashada dalkaas Mareykanka uu eedeyn u soo jeediyey dowlada dalka Mareykanka ayaa waxaa kale oo uu wiilkaasi uu sheegay in weeraro argagaxiso oo lagu qaado dalka Mareykanka uusan u arag inay yihiin argagaxisanimo laakiinse ay tahay jawaab laga bixiyey dhibaatada ay geeysanayaan ciidamada dalka Mareykanka gaar ahaana dhibaaatda ay ku hayaan shacabka muslimiinta ah asagoo sidoo kalena sheegay inay weerarada diyaaradaha dalka Mareykanka ay ka geystaan dalka Siiriya ay maalin walba ay ku dilaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Salaanmedia/Moqdisho