Daawo Sawirada: Ciidamada Huwanta ee la wareegay Deegaanka Buulo Gaduud ee Somaliya…

Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba iyo Amisom, ayaa waxay 6-dii bishaan ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Buulo Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose, iyagoona kala wareegay Ururka Al Shabaab.

Buulo Gaduud waxay qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan tahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana muddooyinkii ugu dambeysay ka arriminaayay Ururka Al Shabaab.

Sidoo kale waxay xiriirisaa Kismaayo iyo Kabsuumo, iyadoo Kabsuumo loo maro Degmooyinka Jamaame iyo Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, isla-markaana waxaa ku xoogan Ururka Al Shabaab.

Ciidamada Huwanta oo lagu waday inay ku dhaqaaqaan deegaanka Kamsuumo si ay uga sii tallaabaan Jilib iyo Jamaame, ayaa waxaa hawlgalkaasi ku yimid dib u dhac. Balse waxay ku guuleysteen inay yareeyaan weeraro ay Shabaabku ku hayeen Buulo Gaduud, tan iyo markii laga eryay.

Madaxa Maamulka Kmg ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Maxamed), ayaa wuxuu ku hanjabay in Maamulkiisu uu dhawaan la wareegi doono gacan ku haynta Degmooyinka Gobolka Jubbada Dhexe.

Madaxa Gobolada Jubbooyinka ee Ururka Al Shabaab Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, ayaa dhinaciisa ku goodiyay inay Ciidamada Huwanta ka difaacan doonaan gacan ku haynta Degmooyinka Jilib iyo Jamaame.

Sheekh Maxamed Dulyadeen oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Al Shabaab, ayaa shacabka ku dhaqan Jamaame iyo Jilib ku bogaadiyay inay ka qayb qaataan gulufka ay ku difaacayaan Degmooyinkaasi.

Ugu dambeen Jilib iyo Jamaame, ayaa horaantii bishaan laga dareemay dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Huwantu ka bilaabeen Gobolka Jubbada Hoose, laakiin maalmahaan dambe waxaad mooddaa in xaaladu ay degan tahay.

Salaanmedia/Moqdisho

Bulo GadudBulo Gadud1Bulo Gadud2Bulo Gadud3Bulo Gadud4Bulo Gadud5Bulo Gadud6Bulo Gadud7Bulo Gadud8

 

Â