Daawo Sawirada Gabadhii isku Qarxisay xoogaga Daacish iyo Dumar kale oo Waayeelo ah oo Hubka qaatay si toos ahna u dagaalamaya.

Waxaa markii ugu horeeysay la soo bandhigay magaca iyo Sawirada gabadhii maalmo yar ka hor isku qarxisay xoogaga Daacish taas oo maratay nafsada 16 Maleeshiyaadka (IS) ah iyo 2 Gaadhi oo Tikniko ah oo ay ka buuxeen xili ay u socdeen furinta dagaalka.

Gabadhaan is qarxisay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Arin Mirkan waxeeyna ka tirsaneed urur lagu magacaabo (YPG) oo ay iska leeyihiin Qabiilka Kurdiga gaar ahaan kuwa reer Siiriya . Hadal heeynta ugu badan Caalamka ayaa noqotay gabadhaan isku qarxisay maleeshiyaadka Daacish maadaama xiliyadii hore Daacish qudhooda is qarxin jireen .

Sidoo kale waxaa jira Dumar badan oo waayeelo ah, hubkana qaatay kuwaas oo maalin kasta si toos ah ula dagaalama maleeshiyaadka ururka Daacish oo dhul balaadhsi wada wuxuuna dagaalka Daacish iyo Qoowmiyada Kurdiga markiisii hore ka soo qarxay dalka Ciraaq ka dibna wuxuu ku faafay dhamaan gobolada ay degaan qabiilka Kurdiga oo iyagana dad Muslimiin ah.

Salaanmedia/Moqdisho

arin_1

arin_2

arin_3

arin_4

 

Â