Daawo Sawirada Gacan ku dhiigle Maanta Xukun dil ah lagu fulinayay oo Fursad loo siiyay in uu tukado labo Rakcadood oo Suno ah.

Maxkamada Dambiyada Culus ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntiland ayaa maanta Xukun dil ah waxa ay ku fulisay Nin gacan ku dhiigle ah oo horey u dilay Sargaal katirsanaa Ciidamada Booliiska Puntiland.

Maxamad Warsame Saxar, ayaa lagu helay in dil uu geestay taliyaha ciidanka booliska degmada Rako ee gobalka Karkaar, waxaana maanta Ninkan lagu fuliyay Xukunkii Qisaasta ahaa .

Goobta uu ka dhacayay Xukunka Dilka ah ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil katirsan Booliiska Puntiland iyo Maxkamada Dambiyada maamulkaasi, waxaa sidoo kale goobta xukunka dilka ah lagu fulinayay ku sugnaa Ehelada Marxuunkii la dilay iyo ninka xukunka dilka lagu fulinayay.

Gudoomiyaha maxkamadda Dambiyada Culus ee Puntiland C/fitaax Xaaji Aadan oo ka hadlay Xukunka dilka ah ayaa shegay in qof kasta oo qof dilay ay u fiican tahay in lagu fuliyo Xukunka Qisaasta ah.

Marxuunka Maanta lagu fuliyay Xukunka Qisaasta ah ayaa kahor inta aan la dilin waxaa fursad loo siiyay in uu dukado labo ragcadood oo Suno ah, waxaana markii dambe lagu fuliyay Xukunka Qisaasta ah.

Salaanmedia/Moqdisho