Daawo Sawiradii ugu dambeeyay ee laga soo qaaday Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee qabsaday Baraawe

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saldhigtay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baraawe gaar ahaan xarumihii ay ku shaqeyn jireen Dagaalyahanada Al-Shabaab oo dhawaan laga qabsaday Magaaladaasi.

Magaalada Gudaheeda iyo Daafaheeda waxaa lagu arkayaa Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo qaab feejignaan ah u socda, waxa ayna Ciidamada meelaha qaar ka sameenayaan baaritaano ay ku raadinayaan Hub iyo rag la tuhmayo in Al-Shabaab katirsan yihiin.