Daawo Sawiro… qaabka loo dhisaayo Barlamaanka Soomaaliya oo lasoo bandhigay iyo Barlamaanka oo ka dooday hirgalinta mustaqbalka…

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta oo axad ah ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay kaga doodeen naqshada dhismaha cusub ee Baarlamaanka iyo dhismayaasha xarumaha Baarlamaanka uu ku yeelan doono gobollada dalka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaana kasoo qeybgalay inta badan Gudoomiyeyaasha guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka,furitaankii shirkana ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu soo bandhigay naqshada dhismaha cusub ee Baarlamaanka.

Dhismahan oo ay hirgelin doonto Dowladda Imaaraadka Carabta waxaa laga dhisi doono xarunta dhismihii hore ee Baarlamaanka oo loo yaqaan Ex Parliament kuna dhow taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho waxaana dhismahan uu la mid yahay dhismayaasha Baarlamaannada caalamka muuqaal ahaan iyo qeybaha uu dhismahan ka kooban yahaybo ayadoo dhismihiisana ay dhowaan Dowladda Imaaraadku si rasmi ah u bilaabi doonto.

Dhismaha xarunta Baarlamaanka waxaa wehliya dhismayaasha xarumaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya uu ku yeelan doono gobollada Dalka ayadoo gobol walbana sida qorshuhu yahay uu Baarlamaanka ku yeelan doono dhismaha guriga Baarlamaanka waxaana dhismahaasi uu ka kooban yahay laba qeybood oo kala ah deegaanka Xildhibaanka iyo hoolka uu Xildhibaanku shacabka uu metello kula kulmayo marka uu ku laabto deegaan cod bixiyeyaasha doorashooyinka uu metelo.

Sidoo kale Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya kulankooda waxa ay uga hadleen weyneynta Munaasabadda maalinta calanka Soomaaliyeed oo hada ay ku beegan tahay sanad guurrada 60aad ee kasoo wareegatay aas aaska Calanka Jamhuuriyadda 12ka bishan October waxaana arintan loo saaray guddi gaar ah oo uu Gudoomiye ka noqon doono Guddoomiyaha guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi.

FG:-Sawirrada Magacoodu Yahay Dhismaha Muqdisho waa naqshada dhismaha cusub ee Baarlamaanka oo Muqdisho laga hirgelinayo, halka sawirrada magacoodu yahay Dhismaha Gobollada uu yahay Naqshada xarumaha Golaha Shacabka ee laga hirgelinayo gobollada Dalka.

Salaanmedia/Moqdisho








Â