Daawo Sawiro….Wafdigii maayiradda goboladda S/land ee Shaqadda ku joogay magaalada Turku iyo waxyaabihii u qabsoomay

Wafdigii maayiradda goboladda S/land ee Shaqadda ku joogay magaalada Turku iyo waxyaabihii u qabsoomay

1

Maayirka Magaalada Burco Maxamed Yusuf Cabdi, Maayirka Berbera Cabdi shakur Maxamed Xasan,maayirka Borama Suleman Xasan Xadi, maayirka CeerigaaboIsmaciil Nuur Faarax, iyo maayirka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse , iyo labaddii  masuul ee kale  mudane Musafe Cilmi Cali iyo C/wahab Maxamed Xuseen oo safar shaqo ku jooga magaalada Turku ee wadanka Finland ayaa madaxda magaalada Turku si diiran ugu soo dhaweeyeen Turku.

3

 Waxaana  xafiiska gobolka ku qaabilay badhasaabka magaaladda Turku Aleksi Randell masuulkaas oo ku soo dhaweeyay maayiradda guriga gobolka ugana waramay shaqadda iyo hawl maalmeedka xafiiskiisa.

 Intaas ka dib waxay maayiraddu booqdeen xarunta kaydka biyaha ee magaaladda iyo wakaaladda laydhka ee magaalada Turku halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyay madax wakaalada laydha ee (Turku Energia) Vesa Vaskikari. Waxay wafdiga maayiradda ah maalintii isniinta  sidoo kale golaha deeganka ee magaaladda Turku kusoo dhaweeyay maayirka Turku iyo xildhibaan Roda C/laahi Xasan.

4

Maalintii Salaasada ahay waxay wafdigu  booqday xarunta nashqadeenta maagalada (Townplane) iyo xafiiska qorsheyna wadooyinka ee magaaladda Turku. halkaas oo wafdiga iyo xildhibaan Roda si fiican loo gusoo dhaweeyay loona sharxay wafdiga siday u shaqeeyaan xafiisyadaas ay booqdeen.

5

Waxa wafdigu gelinkii danbe ee shalay booqday dekedda weyn ee magaalada Turku ku samayso maraakiibta waaweyn ee raaxadda , isku soo wada duubo kulamadda iyo gooban ay booqdeen wafdiga maayiradda S/land ayaa ah kulamo aqoon korodhsi iyo waayo aragnimo u noqonaaya wafdiga . Waxaan kulamo kala duwan

SalaanmediaFinland.

6 7 8 unnamed