Daawo Sawiro…Xisbiga Waddani Laantiisa Finland Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah Uqabtay Taageere Cusub.

6

Xisbiga Waddani Ayaa Xaflad Balaadhan oo si heer sare ah loosoo Agaasimay waxa ay u qabteen Taageere cusub oo kusoo biiray,  xaflada ayaa aalaaba sidii Caadada ahayd waxaa lagu daah furay aayadaha Qur,aanka kariimka waxaana akhriyey Sheekh C/kariin Dayuur.

1

Xaflada oo ay kasoo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada, sida, Gudidi Fulinta Laanta Finland ee Xisbiga Waddani, Garabki Haweenka, Garabki Dhalinyarada, Odayaal, Iyo Dhamaan qaybaha kale ee bulshadu ka koobantahay, ayaa waxaa Sidoo kale lagu sagootinayay qaar kamid ah Gudida Fulinta Ee Xisbiga Waddani Laanta Finland oo dalki u ambabaxayey.

Xafladan oo sidoo kale si gaar ah loogu soo dhaweynayey Xisbiga Gabadh kasoo diga rogatay Xisbiga Ucid kuna soo biirtay Waddani, Marwo Ubax Gacan Jilib, ayaa goobta ku sugnayd,

Furitaanka Xaflada ayaa waxaa hadalo kooban oo isugu jiray warbixin,talo iyo guubaabin kasoo jeediyey gudoomiyaha Laantan, Md C/raxman Carte, Qasnajiga Laanta Md C/laahi Axmed Xaashi, Oday Deeq, Gudoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Xaliimo Mxaamed, Gudoomiye Kuxigeen Garabka Haweenka Marwo Deeqo Maxamed, iyo Xidhiidhiyaha Laanta Iyo Wadamada Scandnavianka Marwo Canab Goox,

Dhanka kale dhamaantood waxay si diiran oo farxad iyo qalbi furnaan ay ku dheehantahay ay usoo wada dhaweeyeen Marwo Ubax oo kusoo biirtay Xisbiga, waxayna urajeeyeen maadaama ay ahayd xubin aad u firfircoonayd inay shaqadeedi halkan kasii wado,

Ugu Dabaynti Ubax oo kalmado kooban kasoo jeedisey madasha ayaa ku dheeraatay marki ay dhawaan kasoo laabatay dalki Hooyo inay kusoo aragtay waxbadan, sidaa daraadeedna ay ku qanacday inay kusoo biirto Waddani, maantana ay ku faraxsantahay soo dhaweynta qaaliga ah ee loo sameeyey, Mahadcelina ka jeedisay sida qaaliga ah ee loogu soo dhaweeyey Xisbiga.

Gunti iyo Gabagabadi ayaa Xafladu waxay kusoo idlaatay jawi aad uwanaagsan.

 

Wariye Madax Banaan

Maxamed Xassan Matan

Helsinki Finland

1 2 3 4 5 6 7