Dadka Silaanyo magaca ka dilay waxa kow ka ah Baashe Awil (Morgan) oo qoyska la xidada oon ummadana xil u hayan by Abdi Mustafe

KayseGurayMorgan
Baashe Cawil ( Morgan ) oon xil ummada u hayn ayaa u dhaqma sidii ilma Siyad Barre oo wasiirada oo dhami ay baqaan. Wiil Silaanyo dhalay oo UN ta uuga shaqeyn jiray Daarfuur ayaa Amina Weris u yeedhay oo ay ku tidhi kaalay 5 Million baan kuu dhiibayaa ku baayaca mushtaree. inankii shaqadii wuu ka yimi oo markuu mudo yar aabihii yio hooyadii la noolaa ayuu u fiirsaday hab-dhaqanka Morgan dabeed wuxuu fahmay in uu aabihii magaca ka dilayo. Waalidkii buu u sheegay uu yidhi Morgan shicibka ayuu idin nacsiinayaa ee London ha ku noqdo.
Gabdhii uu morgan qabay ayaa diiday oo tidhi si kaleba guriga weynnu uuga tegai laakiin soo jeedinta walaalkay uuga bixi meyno oo London ku noqon mayno. Buuq fara badan ayuu Morgan reerkii dhex dhigay aakhir kiina, Wiilkii Silaanyo dhalay qaraar wuxuu ku gaadhay in aannu Morgan meel kula noolaan dabeedna wadankaba isaga awgii ayuu uuga tegay. Waxa wax aad loola yaabo ah Silaanyo sadex wiil oo uu dhalay mid naba wadanka ma joogo ee wey is wada debereen oo aduunka kale ayey ka shaqeystaan, laakiin Morgan oo weliba la xididi wuu ka hoos bixi kari waayay oo inuu nin noqdo oo aduunka u shaqo tago wuu diiday. Taasi waxay muujinaysaa in uu dul saar ku yahay qoyskii uu la xididka ahaa oo weliba aannu is qarin ee uu meel walba maraa isagoo Security Guard aannu xaq u lahayna wata. Mar-marna raxan wasiira ah iyo NGO ooyo ayuu kaxaystaa magaalada uu ka soo jeedo ayuu geeyaa oo dhagaxan beena loo soo dhigaa. Intaa waxa u dheer in uu xumaanta madaxtooyada laga soo maleego uu aad uuga qeyb qaato.
Waxa la wada daawaday sawir uu imaaratka Carabta shir kala qeyb galay Mohamed Biixi wasiirka arimaha dibada. Haday Silaanyo iyo Amina Weris gaboobayn oo ka xishoodeen inay iska saaraan isagu miyaannu raga nimo lahayn uu ku garto in aannu noqon inan-layaal.Morgan waa bar madow oo Somaliland ku taal sababtoo ah xil ummadu u ogtay oo uu dalka u hayaa ma jiro. Morgan ma wuxuu garan waayay waar kuwii Silaanyo iyo Amina Weris dhaleen ba wey koreen oo gurigan wey ka tageen ee adna nin noqo oo culeyska iyo hadal heynta kala tag reerka aad la xididka tahay.
Abdi Mustafe 
abdi_mustafe123@yahoo.com