Dadkii I Dilaa I Doonaya. Qalinkii Naciima Yusuf Cilmi

niciima-150x150

Ilayn rayn raynta dadkaaga iyo quruxda dhulkaagu waa waxa kaliya ee si aan la soo koobi Karin kuu farxad galiya ,kugu dhaliya farxad aanad dareemin cabirin Karin xata hadad isku daydo qiyaasideedaba

Dhibtaayooninkii uu Somaliland u gaystay taliskii siyaad Bare waan ka dharagsanaa anoo qaar kood u haystay inan u soo joogay oon ahaa kuwii dagaalka ku jiray ,waa marka ay iiga sheekayaan dadkii u soo joogay dhibtaada ee guryahoodii ka baxay ,wixii la mutay qadhaaadhayaa waa ta kalifta in marka ay dadku xasuustan ay ilmo ku reebto indhahooda

Markaad muuqaalkaa aad dheehato(videoga ay soo diyaarisay UNHCR) waxad arkaysaa cadaawada ka muuqatay dagaalka iyaga oo guryahii inta ka hadhay rushaynta diyaaradaha lagu xidhay miino(walax ka mida walaxaha qarxa) si ay dhamaan meeshu u noqoto dhul siman oo guri kaliya taagnyn,taas waxa ka daran maydadka daadsanaa guryahaa

Noloshu waxay gaadhay heer ay dadkii qaxootiga ahaa ka jaraan sanadahaa noloshooda waayo waxay soo dhadhamiyeen qadhaadhka ay leedahay qaxootinimo iyo duliga ay leedahay inaad ku dul naalato dal aanad lahyn oo lagu aqoonsando qoxooti

 

Dadkii ka qaxay dagaladii dalka ka dhacay marka manta laga sheekayo dagaal waa badalmaan oo maxayna u badalmayn miyanay iyagu ahayn kuwii lagu rushayeynyey diyaarada ka soo duusha garoonka diyaaradaha magalada ay ku nool yihiin miyanay ahayn kuwii la baday inay ka yacaan hantidoodi miyanay ahayn kuwii lagu ooday xeryo qoxootinimo miyanay ahyn kuwii soo maray silica uu lahaa dagaal miyanay ahyn kuwii ubadakooda lagu ag dilay miynay ahayn kuwii walalkood ama aabahood amaba hooyood oo xabadi ku dhacadey qaadan kari waayey ee waraabuhu cunay,intaasba dadkii u soo joogay ayaa garan kara

macanaha dhabta ah ay leedahay nabada ay manta haystaan reer Somaliland ,laakin se ma garan karo qofka ay reerku ku noolaayeen nolol tan ka duwan waa tan qaxootigee oo ay dadkiisu ku noolaayeen wadamo kale oo ay haysteen wax kastoo nolosha aasasi u ah sida caafimaadka,biyaha iyo waxbarshada ,dadkaa manta nabada taala wadanku waxay la tahay wax fudud amase si sahalan loo helay waayo xanuun jiray buu moogan yahay oo waxa uu la mid yahay ilmaha dhashay curashadii soomaliland ,maxan u odhanayaa waa la mid ilmahaa waxanban odhan karaa waa ka sii liitaa ilmahaa waayo ilamha Aabihii ama adeerkii baa wax ku noqday oo saameyntu kama dheera ilmahaa

Allhamdulilaah mar hadii manta Somaliland dhisantay kana soo kabatay burburkii sida naxariis darada ah loogu gaystay ,waxa mahad oo dhan iska leh ilahay

Iyo cid walba oo u guntatay inay dadkooda ka saran rafaadkii soo maray dadkooda iyo dhulkoodaba

Dadkii dhibtaa u gaystay wadankayga iyo dadkayga ayaa wali I daba taagan oo wali aanan garowsan dhibatadii isoo gadhay oo wali doonya inay dulmiyaan igu celiyaan godkii ma doobaa een ka soo baxay.

Aniga iyo bulshada dhamanteedba dil baan ka xignaa in aanu ku noqno dadkii na dilay ee na cunay in aanu xataa miis wada hadal la fadhiisno.

Hadaba su’aasha taagan waxay tahay dalkii dhismay dadkiina wax fahan ,umadii waxay wada noqotay siyaasi.Dhalinyaradii dalkan lahayd ee ka dhigi lahayd mid la tartama wadamada jaarka ah looma sameyn barnaamij ay ku joogaan dalka islamarkana waxay ku jabeen bada oo ay ku dhinteen ,hadaba ma daarahan aynu dhisanay maxaynu ku falnaa,dhalinyarada ha loo sameeyo wax ay waalidkood ku ilooban dhibatadii soo martay.

Wabilaahi tawfiiq

Qalinkii Naciima yuusuf cilmi (naciimahappy)

naciimahappy@hotmail.com