Danjire Nicholas Kay oo gaaray Kismaayo iyo Kullan xasaasi ahaa oo uu la qaatay Axmed Madoobe

image

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay maanta booqasho ku gaareen Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Danjiraha iyo xubnaha la socday ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Jubba, waxa uuna soo dhaweyn kadib kullan adag la qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubba, Axmed Madoobe iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaasi.

Kullanka Nicholas Kay iyo Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, ayaa waxa uu socday ugu yaraan Laba saac, iyadoona Ujeedka uu ahaa sharaxaad Axmed Madoobe looga baahnaa inuu ka bixiyo Qodobadii ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta Dadka Dega Gobolada Jubbooyin.

Axmed Madoobe ayaa si qoto dheer uga warbixiyay Heerka wada heshiisiineed ee Beelaha Dega Gobolada Jubbooyinka, waxa uuna Kay ugu baaqay in Maamulka uu ka caawiyo dhanka Siyaasada, Gargaarka iyo Xaqiijinta Amniga.

Dhanka kale, inta uu Kay halkaasi ku sugnaa ayaa waxaa aad loo adkeeyay Amaanka Magaalada Kismaayo,waxaana Wadooyinka lagu Arkayay Ciidamada Maamulka iyo kuwa AMISOM ee Kismaayo ku sugan.

Salaanmedia/Mogdisho