Dee wadaadku keligii doorashada ha iska galee iska daaya!Qalinkii Baxnaan Xaaji Aden

baxnaan-126x150

baxnaan-126x150Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo. dhaqankoodu mid maaha . Dhaliil la iskama qaato . DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego. daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso.
Dhaqane:Waar kaalay xubintii waddani maxaa ku diideen?
Dhaashane:Sharciga soo waafajiya dee.
Dhaqane:Sharciga ma Siilaanyaa sameeya?
Dhaashane:Waar adeerow idinkoon waxba dhiiga isku karin nin sharcigu ogolyey keena.
Dhaqane:Waayee xil: Bukhari iyo xil: xoog keebaa ogoshiin?
Dhaashane:Xil:Xoog waa madaxda Waddani oo sharcigu ma ogola laakiin xil:Bukhari waa iska oo raydh.
Dhaqane:Ala cadaalad xumaa ma Kulmiyaa ?Dee haa.Hada sidaasay weliba doorasho ku rabaan.Intay rag is arkeen yaraa.Waar yeelkeedee shirkadii dhul cun uun ciidamadii ma u qorteen?
Dhaashane:Waar horta maxaad beryahan sawaaxiliga ugu hadashaa?Dhul cuntu waa tee dee?
Dhaqane:Dee tan betroolka.Nimanka Muse care markay ingiriisida ku hadlayaan waxay yidhaahdaan(too much is too bad).Waar adeerow boobka joojiya.
Dhaashane:Waar mas ku cunye Muse care lahaane,Muse caroo qudhi ingiriisi ma yaqaane aduunkoo dhan yidhaa intaase wax noo sheeg.
Dhaqane:Wuxuu yidhi Ibrahim gadhle ,Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee;
Daawaday hashaydai ,doobir iyo nasiib badan
Dogob baan ka qaadaa, dundumaa la saaraa
Dambaskaan ka leexshaa, cagahay dab gelisaa
Dhulka meesha dulinka lehka duwaan idhaahdaa
Waxaa loo dareershaa, halka ugu dugaag badan
Haduu nabarki kaga daray Kulmiyii doraato lagu deyey
Waddaniba ha lagu dayo nin degtoora baa yidhi.
Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden