Diyaarado Dagaal oo Gantaalo Culus ku garaacay Saldhigyo Ciidan ay lahaayeen Xarakada Al-Shabaab

Diyaarada

 

 

 

 

 

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhaxe ayaa sheegaya in shalay Diyaarado laga leeyahay Dalka Kenya ay Duqeymo culus ku garaaceen saldhigyo Ciidan ay Al-Shabaab ku lahaayeen Magaaladaasi.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Qaar kamid ah Idaacada Muqdisho in shalay Magaaladaasi ay duqeymo ka geesteen Diyaarado Dagaal oo laga leeyahay Dalka Kenya kuwaa oo bartilmaameed ka dhiganayay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Magaaladaasi.

Saldhiga Booliiska Al-Shabaab ku leeyihiin Magaalada Jilib ayaa la sheegay in ay ku dhaceen dhoor gantaal , waxa ayna Shabaab xireen gabi ahaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa halka uu ku yaalo saldhigaasi la duqeeyay.

Duqeyn kale ayaa la sheegay in iyana loo geestay saldhig kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen Duleedka Magaaladaasi , walina si rasmi ah looma oga qasaaraha Shabaab soo gaaray ee ka dhashay Duqeynta Diyaaradaha Dagaalka Kenya ka fuliyeen Magaalada Jilib.

Dhawaan ayey aheed markii Duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka lagu dilay Amiirkii ugu sareeyay Xarakada Al-Shabaab Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr sidoo kale loo yaqaanay Axmed Cabdi Godane.

Salaanmedia/Moqdisho