DOORASHADA SOMALILAND: Beeshaan Codka Tiro Badnayn, Xaqqeedba Miyaan Naqaan?

DOORASHADA SOMALILAND: Beeshaan Codka Tiro Badnayn, Xaqqeedba Miyaan Naqaan?
macaal

Beelaha dacallada ee Selel iyo Sanaag Bari, xaqdarro ayaa ay ku qabaan xeerka doorashada Golaha Wakiilada. Xeerka doorashada waa mid heer GOBOL. Waxana, la ansixiyey waqtigii madaxtooyada Rayaale. Doorashada soo socota ka horna, haddii aan xal loo helin, la arkee in xaqdarradaasi Somaliland ku qoon-dilaacdo. 

Doorashada baarlamaanka Somaliland, waqtiyadaii LIXDAMEEYADII (1960-69kii), waxa ay ahayd heer DEGMO . Degmo walba cadkeeda baarlamaan gooni ayaa ay u lahayd. Degmana, Degmo kale wax lama qaybsan jirin. Beelaha degmo wada deggenna, cod ayaa ay ku kala bixi jireen.
Xeerkaas heer DEGMO ahaa, waxaa la laalay waqtigii Rayaale. Waxaa lagu beddelay xeer heer GOBOL ah. Markii ugu horraysay ee xeerkaas la dhaqan geliyeyna, waxaa ay ahayd doorashadii Golaha Wakiilada ee 2005tii. Waxa ayna dhalisay in caddaalad-darro tirsadaan beelaha lagaga tiro badan yahay Gobollada Awdal iyo Sanaag. Sababtuna waxa ay ahayd, welina tahay, xeerka ayaa xalaalaynaya in doorashada Wakiilada beeshii gobol ku tiro badani dhacdo xaqqa beesha gobolka lagaga tiro badan yahay. Xeerkaas doorashada heer GOBOL ahi, waa mid baalmarsan Axdi Beelayadii 1991 iyo 1993 ee lagu yagleelay qaranimada Somaliland. Axdi Beeleedyada midna meel kagama taalo in xeer qaran beel loogu dhaco beel kale. Axdi beeleedyada lama soo bandhigin, laguma heshiin, in beel cadkeeda baarlamaan lagu naasnuujiyo beel kale. Somaliland waa Lix Gobol baa ansixisan. Gobollada Awdal iyo Sanaag, waxaa wada deggen beelo. Beelaha wada deggenina isma tiro le’eka. Waana ta keentay, metelan, in Gobolka Awdal doorashadii 2005tii, AFAR xildhibaan oo reer Saylac lahaan lahaayeen ay qaataan reer Boorama. Taasina, ma dhacdeen haddii Somaliland ku dhaqmi lahayd sinnaanta beelaha sidii ku xusnayd Axdi Beeleedyadii 1991 iyo 1993 iyo xeerkii doorashada 1960kii ee heer DEGMO. Dhaqan-gelinta xeerkaas heer GOBOL, waxaa uu dhaliyey doorashadii 2005tii in, mid mooyee, musharaxiintii xildhibaannada reer Selel ay qaadacaan doorashadii. Waxa ayna tirsanayeen – welina ay tirsanayaan – caddaalad-darro. Waa xaqdarro codkoodii iyo cadkoodii xildhibaannimo baarlamaan Somaliland XEER ugu dhacday reer Boorama. Runtuna, ragga ma dishee, waxaa ka masuul ah Beesha Dhexe oo 2005tii Baarlamaanka iyo Guurtida ka madax ahayd, haatanna saddexda ka ah. AFARTA xildhibaan ee Beesha Ciise ka maqani side ay ku yimaadeen? Waqtigii Rayaale waxaa la kordhiyey tirada xildhibaannada Golaha Wakiilada. Waxaa laga dhaqaaqay tiradii xildhibaannada ee 1960kii oo ahayd 33. Waxa la guddoonsaday in laga dhigo 82 iyada oo degmo walba tiradeedii LIXDANKII loogu dhifanayo laba iyo badh. LIXDANKII Degmada Saylac waxa ay lahayd LABA xildhibaan, degmada Booramana SADDEX. Xeerkaas kordhinta xildhibaannada Golaha Wakiilada marka la raacana, Gobolka Awdal waxaa tirada loo kale yeelan lahaa: Saylac SHAN (2X2.5=5), Booramana SIDDEED (3X2.5=7.5). Maantase, Golaha Wakiilada reer Boorama waxa ku ay leeyihiin AFAR-iyo-TOBAN xildhibaan, Reer Saylacna HAL xildhibaan oo kali ah. Waxana u sabab ah xeerka doorashada heer GOBOL ay xalaalaynaya xatooyada cadka xildhibaannada Baarlamaan ee Beesha Ciise. Haddii xeerka doorashada wax-ka-beddel lagu samayn doorashada soo socota ka horna, reer Saylac waa u DUUDSI joogta ah. Reer Boorama waa u SEDBURSIIMO joogta ah. Beesha DHEXENA – oo maanta gacanta ku haysa Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Guurtidana – waa u “beeshaan codka tiro badnayn, xaqqeeda miyaan naqaan?” Somalilandse, waa u QOON-DILAAC mar ay noqotaba!