Dowladda Denmark oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Soomaaliya

image

Dowladda Denmark, ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan 28-dal oo ku kala yaala caalamka, intooda badana ay yihiin dalal islaam ah sida lagu sheegay Warbixin kasoo baxday Wasaarada Arimaha dibada dalkaasi.

Wasaarada Arimaha dibada dalka Denmark, ayaa sheegtay inay u cabsaneyso nolosha muwaadiniinteeda, waxaana ay sheegtay in sidaasi awgeed ay soo saartay digniintaan la xiriirta inaysan u safri karin dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

Denmark ayaa ku sifeeysay digniinta ay ujeedisay muwaadiniinteeda mid ku aadan cabsi la xiriirta hawlgalka ay diyaaradahooda dagaalka ee ka dhanka ah dagaalyahannadda Kooxda IS ee ku sugan Waqooyiga dalka Iraq.

Afhayeenka Waaxda adeegga Muwaadiniinta dalka Denmark oo loo yaqaano Ole Egberg Mikkelsen ayaa u sheegay Warbaahinta in go’aankaasi la qaatay si aysan khatar u gelin nolosha dadkooda

Sarkaalkaan ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in sababta go’aanka loo qaatay ay tahay, kadib markii ay arkeen muwaadiniin dhowr ah oo reer Galbeed ah oo qoorta laga gooyay, kuwaasi oo lagu dilay qaar kamid ah dalalka Islaamka.

Dalalka laga mamnuucay inay u safraan muwaadiniinta dalka Denmarka, ayaa waxa ay kala yihiin Somalia, Kenya, Saudia, Syria, Afganistan, India, Indonesia, Iran, Urdun, Bahrain, Burkina Faso, Egypt, Iraq, Lebanon, Libya, Malaysia, Mali, Mauritania, Morocco, Niger, Nigeria, Palestine, Pakistan, the Philippines, Tunisia, Turkey, Imaaraadka Carabta iyo Yemen.

Dowladda Denmarka ayaa qeyb ka ah dagaalka reer Galbeedka ay kula jiraan Kooxda IS ee ka dagaalanta Dalka Ciraaq iyo Dalka Syria.

Salaanmedia/Mogdisho