Dowladda Kuuba (CUBA) Oo Diiday In Dalkeeda Laga Dhiso Masjidkii Ugu Horeeyey!

Dowladda Kuuba (CUBA) Oo Diiday In Dalkeeda Laga Dhiso Masjidkii Ugu Horeeyey!

muslim

Wadanka shuuciga ah ee Cuba ayaa ku ka horyimid qorshe la doonayay in masaajidkii ugu horreeyay looga dhiso caasimadda Cuba. Dalka Cuba ayaa diidday in masaajidkii ugu horreeyay laga dhiso magaalada caasimadda ah ee Havana.

Qorshaha dhismaha masaajidka waxaa si wada-jir ah u waday waaxda arrimaha diinta Turkiga iyo bulshada Muslimiinta Cuba ku nool.

Muslimiinta ku nool Kuuba ayaa salaadaha ku dukado guryahooda maadaama aysan jirin masjid. Ugu yaraan 9,000 (sagaal kun) oo Muslimiin ah oo ku nool Cuba ma haystaan meel rasmi ah oo ay ku cibaadeystaan.

Qorshe kan la mid ah ayaa masaajid weyn waxaa looga dhisay dalka Haiti, waxaana dhismaha masaajidka lagu wadaa in la soo gabagabeeyo dhammaadka sanadkan.

Salaanmedia/London