Dowladda Mareykanka oo ka hadashay qabsashada Magaalada Baraawe

image

Dowladda Mareykanka, ayaa waxa ay ka hadashay qabsashada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay Shabaab ka qabsadeen magaalada dekada leh ee Baraawe oo Shabaab gacantooda ka baxday maalin ka hor.

War kasoo baxay xafiiska Ergayga Mareykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya, ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu hambalyeynaayo guulaha Milateri ee ay ka gaareen dagaalada ka socda Soomaaliya.

James P. McAnulty, Wakiilka Mareykanka ee dalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Magaalada Baraawe qabsashadeeda ay muujinayso in laga itaal roonaaday xoogaga Shabaab ee dowladda iyo Amisom kasoo horjeeda.

Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku dhiirageliyay Amb. James P. McAnulty inay sii wadaan dagaalada ka dhanka ah Mucaaradka Shabaab si guud ahaan dalka Soomaaliya looga saaro dalkana uu unoqdo mid hagaaga.

James P. McAnulty, ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada wadajirka ah Bishan 3-deedi ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Cadale, sidoo kalena 6-dii Bishan ay la wareegeen magaalada Baraawe in taasi ay muujinayso sida ay ugu heelan yihiin howlgalka ay ku jiraan.

Mareykanka ayaa Bishii aan soo dhaafnay Biloowgeeda waxa ay duqeyn dhanka cirka ah ku dileen Hogaamiyihii Shabaab Axmed Godane, wixii waqtigaasi ka dambeeyay Shabaab waxa ay noqdeen kuwa itaalkooda hoos usii dhacaayay.

Baraawe oo ah Magaalo ku taalo koonfurta dalka Soomaaliya, sidoo kalena leh dekad ayaa Shabaab waxa ay ka dhoofin jireen dhuxusha oo ay ka heli jireen dhaqaalo badan oo dagaalada Soomaaliya ka socda ay ku maalgelin jireen.

 

Salaanmedia/Mogdisho